|  DIB 
UGU NOQOSHO MAQAALKII SOMALILAND WAA BEER. 
 Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. editor@somalitalk.com 
 SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya November 30, 2003   Caado iima-aysan ahayn inaan qoraal kadabo qoro 
maqaal aan horay u qoray, inta badan akhrista-yaasha maqaalka aan qoro, goorta 
ay Email isoo diraan, waxaan ugu jawaabi jiray Email kale. Arintaasna waxaa iga 
soo maray qisooyin aad u badan, tii iigu cajab-badneyd waxay ahayd koolkii uu 
akhriste ismoodsiiyey inaan magaaladooda ugafay, oo uu iisoo qoray fariintan, ( 
waxaad caadaysatay inaad magaaladayada wax ka sheegto, waxaad ogaataa hadaadba 
timaado magaaladaas inaadan nabad ku soo noqon doonin). Waxaan u qoray hadalkan. 
( Dhawaan ayaan iman rabaa magaaladaas, waxaana jecelahay inaan ku soo dago 
gurigaaga oo ii ah guri uu leeyahay nin Walaalkey ah oo hada ka hor Email iisoo 
diray, waxaana hubaa inaad si qiima leh ii marti galin doonto). Jawaabtiisii 
labaad waxay noqotay. “Karaali noqo Emailkii hore ee aan kuu soo diray, waxaan 
soo qoray mar uu Sheydaan ila talinayey”.  Goortii ay Somalitalk.com daabacday maqaalkii 
aan ugu magac daray ( Somaliland waa Beer. Beerna hilibkaa 
lagu sugaa) waxaa isoo dhacay Emaillo aad u tiro badan, sidoo kale maqaallo 
jawaab ah ayey Somalitalk.com daabacday, oo aan wada akhriyey. Fariimahaas 
qaarkood inaan saxsanahay oon maqaal fiican qoray ayey la’ahayd, dhiirigalin iyo 
boogaadinna wey ku soo dareen. Qaar kalana inaan hadalkii gabi kala dhacay, oon 
tawfiiqdii la gafay ayey tilmaameen, waxayse u badnaayeen hadalo aad u 
usluubeysan, walow ay ku jireen qaar aan anshax lahayn, ood moodo in caro lagu 
soo qoray. Guud ahaan intaan arkay Emaillo la ii soo diray oo ay akhrista-yaashu 
kaga jawabayaan fikradooda, maqaalkan Somaliland ayaa ahaa kii ugu asluubsanaa. Aan ku hormaro maqaalkii uu qoray Saaxiibkeen 
Dirirdhabe, ugu horeyn Dirirdhabe waa nin dhalinyaro ah, oo uusan qalinkiisu 
nasiino helin, mas’uuliyad weynna iska saaray meel marin Somaliland, kolka aad 
akhriso maqaalada uu Somaliland ugu suuq raadinayo, waxaad ka dareemeysaa sida 
ay daacadda uga tahay iney Somaliland ka go’do Soomaaliya. Su’aasha ah 
Dirirdhabe waaba nin yaree maxaa ku kalifay, ku dadaalida kala goynta Soomaaliya. 
Jawaabteeda kama aad heleysid qoraaladiisa, malaha hadaad la sheekeysto waad 
heli lahayd. Maqaalkiisii waxa uu ku cadeeyey inuusan fahmin 
macnaha dhabta ee aan u la jeedo cinwaankii aan maqaalka u sameeyey, ee ahaa 
“Somaliland waa beer hilib lagu sugayo”, hadana wuxuu soo qoray jawaab uu ku 
radinayo maqaalkaas, bal dib uga fakar, maqaal aad ciwaankiisa fahmi weysay 
sideed nuxurka gudaha ku jira u fahmi doontaa, misana aad ugu dhiiratay inaad 
kaba jawaabto adoo radinaya. Waxaa taas ka sii daran, mamoodayn qoraa wax qoris 
badan sida Dirardhibe oo kale inuu ku doodayo wax dhaafsiisan qoraalka qofka, 
taas ma dhicinee Dirirdhabe wuxuu hadalkiisii ku bilaabay. Fahad oo aanan 
garanayn qolada uu yahay, maqaalkiisa ayaa ii sahlay inaan garto qolada uu yahay!!. 
Hadalkaas oo aan ka naxay, iyadoo ay hal xiraale igu noqotay inaan helo qolada 
uu ii fahmay, waxaana hubaa in aan qabiil qof lagu ogaan karin aragtidiisa ood 
akhristo oo kaliya.  Waxaan moodayey in qalin wax ku qorayaasha ay 
ka gudbeen haybta 
qabiil, ayna ka daaweynayaan cudurkaas, qori wax ku 
qabtayaasha, laakiin fikradaas Dirirdhabe oo kalaa waa been yiri, Eebbaanse 
weydiisan inuu malahayga run iiga dhigo. Waxaan kaloo murugooday goortii aan 
arkay Dirirdhabe oo Kitaab ku maraya in shacabka W/Galbeed ay rabaan iney ka 
goostaan Koonfurta, waxaan walaalkey xusuusin lahaa marka Cilmibaarista lagujiro 
ineysan dhaari aqoon soo kordhin, dhaartuna sideedaba waxay timaada marka lagu 
rumeysan waayo, saas awgeed Saaxiibkey waxaan dhihi: Haddeyba dhaar gaartay maad 
naga deyseen magacan dhaarta lagu daba wado.  
  
    | "Saaxiib Dirirdhaboow Aqoon-yahanka yuusan noqon farriin wadaha Siyaasiga." 
    Fahad |  Si kastaba ha’ahaatee Saaxiibkeen Dirirdhabe 
waa nin mudan dhiirigalin, maqaalkii uu iigu soo jawaabayna waa mid ku dayasho 
mudan, wuxuu cashar lama ilaawaan ah ka bixiyey inaad qofka diido qoraalkiisa 
adoon shakhsiyadiisa wax u dhimin, isagoon igu xadgudbin ayuu si bareer ah isu 
difaacay, si geesinimo leh ayuu u muujiyey aragtidiisa, qadarin farabadanna waan 
ka helay, anna wuxuu iga mudan yahay xushmeyn iyo tixgalin, anigoo ku leh, 
Saaxiib Dirirdhaboow Aqoon-yahanka yuusan noqon farriin wadaha Siyaasiga. Waraaqihii la isoo diray oo kala duwanaa waxaan 
ka soo qaadayaa labadan waraaqood, kan hore hadaladiisii waxaa kamid ahaa ( 
Qadaf weyn ayaad u geysatay R/Somaliland. Mana aysan kaa mudneyn. Hadaad 
Hargeysa tagtay miyaadan soo arag taallada loo dhisay dadkii baaba’ay ee ay 
Doladii M/S/Barre sida xilka leh u leysay?). Erayadaas markaan akhriyey waxaan 
dib ugu laabtay qoraalkeygii, waan ku noqnoqday, wey ii soo bixi weysay Qadaf 
aan dad Muslim ah u geystay, waliba walaalahay Soomaaliya ah, waxaan kolkii 
danbe isku qanciyey in Qadaf macnaheeda uusan aqoon walaalkii warqadda isoo 
diray. Su’aasha ah taallada ay ku sawiran yihiin dadkii baaba’ay miyaadan arag? 
Haa waan arkay, waxaana iiga muuqday Sawirro in laga tiiraan-yoodo ay mudan 
tahay. Waxaase haboon in maanka lagu hayo in 
Sawiradaas ay yihiin sawir gacmeed, ee aysan ahayn dhacdo si run ah loo sawiray, 
Sawiraduna waxay turjamayaan dareenkii uu qabay ninkii amray in Sawir gacmeedkan 
la sameeyo, caqliguna wuxuu diidayaa in Sawiradaas ay yihiin kuwo dhab ah, 
waxaanse kuu sheegayaa in maalintii aan booqday Taaladaas anigoo fiirinaya oo 
yara murugeysan ayaa waxaa dhinacayga soo istaagay nin oday ah oo aad moodo 
anigoo kale inuu yahay oo ay taaladu hada ugu horeyso, wuxu yiri ( Waar baladatan 
goormay dhacday? Waa dhibtii dhamaadkii Sideeta-maadkii nagu dhacday, ayaa loogu 
jawaabay. Inta qoslay ayuu yiri. Dee maxaa loogu soo dari waayey dhibtii nagu 
dhacday Bartamihii Sagaasha-maadkii.) 
  
    | "waxaan kuu 
balanqaadayaa hadaan aqoon-yeesho inaanan taageeri doonin kalagoynta Soomaaliya." 
    Fahad |  Waraaqdii kale hadalkeedu wuxuu u dhignaa 
sidatan ( Waxaan ku moodayey inaad aqoon leedahay sidaad sheegato, marka waxba 
ma taqaanidee waxbaro. Soomaaliyada aad naleedahay soo raaca sow kuwii aad
Taariku-Salaadyada ku sheegtay ma’aha? Somalitalk.com-na la’aanta ayey ku 
fiicnaan lahayd). Maxusuusto qoraal aan qoray aan ku sheegtay inaan wax aqaan, 
weyna adagtahay inuu qof la soo dhiirado inuu aqoon leeyahay, waana ogahay 
inaanan waxba aqoon, anoo kaaga mahad-celinayaa talada ah inaan waxbarto, ayaan 
kuu balanqaadayaa inaan qalin iyo buug qaadan doono. Sidoo kale waxaan kuu 
balanqaadayaa hadaan aqoon-yeesho inaanan taageeri doonin kalagoynta Soomaaliya. Sidoo kale ma’aannan oran soo raaca Koonfur oo 
Taariku-Salaad ah. Ilaahay mahaddii Salaada Koonfur iyo Waqooyiba aad ayaa looga 
tukadaa oo magaala kastood tagto Masaajiddu waa ku badan yihiin, kuwii aan iri 
waa Taarikiin waxay ahaayeen tiro yar oo kamid ah Dagaal-oogayaasha Soomaaliya, 
kuwa hadda Waqooyi jooga qaarkoodna kamid bey ahaayeen Taarikiintii aan 
tilmaamayey. Haddey jirto xitaa inaan Koonfur laga tukan, Waqooyina laga tukado, 
mataageereen inaad goostaan ee waxaan idinka codsan lahaa diinta 
  inaad ku soo 
celisaan meelaha aan Salaada laga tukan. Waaba haddey jiri lahayd maba jirtee. Dadka ay ku weyntahay midnimada Soomaaliya 
waxaan ugu bishaarey-nayaa ineysan dhici doonin Soomaali oo kala go’da ilaahay 
idankii, walaalaha Somaliland la baxayna iney Koonfur ka sugayaan
Hilibkii 
Qadada ay wada cuni lahaayeen. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.editor@somalitalk.com
 Faafin: SomaliTalk.com  
    
    FAALLO:
    
    Maxamedoow inoo Yare KaadiJawaab ku socota 
    Qoraladii Maxamed Diridhaba.
    GUJI 
    [Cali Shirwac]
 
    
    
    Maxamed Mooge oo 1-da Luuliyo/July maamuusayiyo Maxamed Dirirdhaba oo maalin madoow ku sheegay! [Cabdiwaaxid]
 
    
    Taariikhda Lagama Been Sheego... 
    GUJI... 
    
    » 
    
    Qowleysatada Waqooyi Soo Dhigatay 
    [Dr. Saciid] 
    .. 
    
    SNM Waxay Meel Marisay Aragtidii Xasayn-Kayd 
    [Caqiil] 
DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE 
iyo dibin daabyada dadweynaha ... 
Diridhaba June 
7, 2003
 
Sool iyo Somaliland 
Yaa Ugarnaqa [Assad]   |