SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Dec 12, 2003

Cabdulaahi Yuusuf:- Rag carabahaa iska soo beeseysta oo dawlad iska sheegta ayaa jira oo shirka.......

Wareysigii cabdullahi yuusuf ee 12-bishan December ee Safarkii Puntuland

Abdikarim Aden Hussein | Kenya | abdikarimhussein@hotmail.com


Waxaan wareysi la yeeshay Madaxweyne Dawlad Goboleedka Puntulanl Muddane Cabdullahi yuusuf Axmed oo ku saabsan safarkii uu ku maqnaa iyo booqashooyinkii Gobolada Dawladda Puntuland, Thailand iyo Kambala.
wareysigan waxaa kaloo uu ku saabsan yahay xaalada shirka maanta uu marayo iyo fikirka uu kaqabo Madaxweyne Dawlad Goboleedka Puntuland. Wareysigii waxa uu u dhacey sidan:-

Abdikarim:-Muddane Cadullahi Yuusuf waxaad warbxin naga siisaa adiga iyo wafdigaaga safarkii aad ku aadeen gobolada Dawlada Puntuland iyo Kambala ?

abdullahi yusuf ahmed
C/Laahi Yuusuf Axmed

Abdulahi Yusuf:-anigu kaligey ma ahey oo wafdi 10-qof ah oo 27-bishii September ayaa halkan ka tagney subaxnimadiina waanu joogney Puntuland, tan iyo waagiina 5-casho oo aan Kambala joogney maahee iyo 2-casho aan Eeshiya ku maqnaa inta kale Puntland baan Joogney, warar been ah oo liibiyo iyo halkaasu ka degay la qoreyna waan aqristey waaxaasi waxba kama jiraan, aniga Puntland baan u tagey wixii maamulka yaga ku saabsanaa oo la xiriirey baan ka shaqeenay ,dadkii isafgaranwaagu dhexmarey baan heshiisiinayey, wax walba waan hagaajiney, abaarxun oo jirtey waan la dagaalameyney oo markii dabne Ilaahey Roob buu na siiyey iyadoo la ceyrsan yahay, iyadoo Nabad ah oo barwaaqo oo heshiisay baan ka imid aniga Puntuland.

Abdikarim :-Safarka aad ku tagtey Ugand masuuliyiinta aad la kulantay iyo arimaha aad kala hadashey
wax ma nooga sheegi kartaa ?

Abdulahi Yusuf:-wax walba la isuma sheego ,Masuuliyiin waaweyn oo ka tirsan Xukuumada Dawlada Ugando ayaa su`aashaadu kaaga filan.

Abdikarim:-ka hadal muddane Fikirka aad qabto 42-da hogaamiye iyo kulanka magaalada Mombaaso?

Abdulaahi yuusuf :-anigu 24-hogaamiye baan ogaaye 28-ka kale yaa dhaley. yayse matalaan, xageese ka socdaan , ururadee iyo beelahee ka socdaan ,adeer anihu 24- hogaamiye baan ogaa ,24-kii bay ii tahay ,ragii madax oo halkan joogay waxay qabaan baan la qabaa, madaxdii shaley u timid waxay ugu jawaabeen xitaa waan la qabaa. fikiradeydu saas weeye.

Abdikarim :-Madaxweyne waxaanu ognahay in shirku galey dhawr balamo, caqabada aad is leedahay way hortaagan tahay maxay tahay ?

Abdulaahi yuusuf:-caqabada shirka ku taagan waa cadahay, waxaa weeye dad soomaali ah oo aan rabin in shirku najaxo oo iska faajo faajoonaya oo jecel in ay dawlad iska sheegtaan, waxna ayan qaban oo carabaha iska soo beseystaan baa jira ,caqad kale waxaa wada IPF-ta nimanka la yiraahdo qaar ka mida ah oo runtii si iyagu wax u rabaan hadeyan wax u dhicin dawlad la dhiso ayan rabin. Tan seddexaad IGAD dhexdeeda wax ka sheegi maayo laakiin dalal IGAD ka tirsan oo iyagu shirka lugta jiidaya oo jira baan aaminsanahay anigu, laakiin soomaalida boqolkiba 99% in halkan Dawlad lagu dhiso bay rabaan intii shirka sanada iyo laba bilood soo wadey in kale oo wadanka jirteyna way rabaan ,soomali ayaa wax dhisan karta oo cid wax noo dhiseysaa'i ma jiraan oo sey doonto na yeeli karta oo amar na siin karta ma jiraan.

Abdikarim:-haddii arrinka 42-hogaamiye iyo 24-hogaamiye la isku afgaran waayo talaabada kun xigta oo la qaadi karo mudane maxaad is leedahay ?

"Kolonzo Misayoka Kenya ayuu wasiir u yahay, anigu qayb ka tirsan Soomaali ayaan madaxweyne ka ahey, nin wadani ah oo somali baan ahey ,Somaaliya Soomaalaa iska leh..." C/Laahi Yuusuf

Abdulaahi Yuusuf:-Adeer Kolonzo Misayoka Kenya ayuu wasiir u yahay, anigu qayb ka tirsan Soomaali ayaan madaxweyne ka ahey, nin wadani ah oo somali baan ahey ,Somaaliya Soomaalaa iska leh , talada Soomaaliya Somaali ayaa isaka leh, ninkii Leader noqonaya dad waa in ay ka soo dhigtaan oo saa ku yimaadaa, horta hadaan ummaddi ka soo dhigan ayan Ummad Soomali Aheyn oo ajnabi magacowdo anigu inta aan aqbaleyn baan ku jiraa , haddii la yiraahdo ama saa aqbala ama shirka waa dumayaa hadda kenya shirka waxaan oronaya idinkaa kala diraya oo kala qaada, laakiin anaga eeda na saari maysaan.

abdikarim :-ugudanbeytii maxaad u soo jeedineysaa Ummada Soomaali iyo siyaasiyiinta Soomaalida shirka ka qaybgalaya ?

Abdulaahi Yuusuf:-waxaan soo jeedinayaa in  ay soomaalida dagaalka sokeeye ka baxdaa ioo danaheeda ka tashataa.


dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein
Mbagathi,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com

WAA KUMA CABDULLAAHI YUUSUF?

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2003

 Waraysiyadii Ibraahim Maxameddeeq

WARAYSIYADII  FAHAD YAASIIN

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]