SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

December 16, 2003

War-1-17,dec-03,Mbagathi.Nairobi.
Mawliid Macaani:-Meel aan u soco ma jirto ilaa........... & Cabdiqasim haddii uu la yimaado xujo beesha caalamka …………

Hogaaamiyayasha Soomaaalida ee ka qayb galaya shirka wadahadalada Nabada Somaaalida ee ku sugan madasha ayaa 15-17/12/03 yeeshay shir albaabadu u xiran yahay oo ka socda Intercotinential hotel oo ku yaala magaalada Nairobi.

Shirka hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa looga hadlayey qodobo dhawr oo ku saabsan arrinta gooni u baxa kulanka Mombasa , tirada hogaamiyayaasha , maalinta wada tashiga ee Kambala ,tirada hogaamiyayaasha la casuumay iyo sameyn golo mideysan oo ay ku midoobaan hogaamiyayaasha ku sugan madasha shirka iyo talaabada ku xigta ee shirka Nabada Soomaalida.

Si aan u ogaado xaqiida shirka ayaa Baarka hotelka kula kulmay Mudane Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ah 3-Gudoomiye ee Giddiga Hogaamiyayaasha Soomaalida ee ku sugan Madasha shirka.
3-da Gudoomiye ayaa kala ah 1-Xasan Abshir Faarax ,2-Xasan Maxamed Nuur Shaati-gaduud iyo mawliid Macaani Maxamuud ,3-da hogaamiye ayaa ka kala socda 3-da qayb ee Ururada Soomaalida SRRC,TNG,G-8 ee ka qayb qaadanaya wadahadalada Nabada Soomaalida ee haatan ka socda Kenya muddo 14-bilood.

wareysiga ayaa wuxuu u qoran yahay sidan :-

Abdikarim:-muddane warbixin iga sii shiran Hogaamiyayaasha Soomaalida ee 15-17/12/03 iyo qoddobada looga hadlayo ?

Mawliid Macaani:-Hora waad mahadsan tahay ,bismilaahi raxmaani raxiim ,waxaan ka hadalney sidii loo jiheyn lahaa shirka dic u hshiisiinta ee habaca yar soo dhexgaley,ee ee waxaa shirka caqabad ku noqdey wax la yirahdo Retreat (Gooni u bax) oo ay soo saareen qolooyinka la yiraahdo IPF(Beesha Caalamka),anaga Joojista iyo tagista Ratreat-ka inama khuseyso,waxaanu lee nahay sharci inoo yaala (Rules Of proceture),waxaanu leenahay xeer shirka lagu hayo,sidaa daraadeed xeerka noo yaalay kuma jiro Retreat-ka wax la yiraahdo in la tago,waa arrimo cusub oo ka baxsan qabkii shirka loogu tala galay.

Retreatkuna lama oga qaabka lagu tagayo iyo sababta keentay iyo waxa laga soo xaajoon doono,sidaa darteed waxaan beesha calamka waydiinay in cadey inaga siiso tirada hogaamiyayaasha ay ugu tala galeen in ay tagaaan, anaga oon u sheegay 24 + Cabdiqasim = 25-Hogaamiye wax kale lagu soo dari karin oo aan hrey ugu sheegnay sidaa daraaded waa 24 + Cabdiqasim oo aan as a Leader u ogolnahay ayaa iman kara Retreat haddii uu run yahay.

Abdikarim:-haddii ay dhacdo in lagu soo heshiin waayo Retrear Muddane talaabo ku xiga oo qaadi karo waa maxay ?

Mawliid Macaani:-haddii Retreat lagu heshiin waayo talaabada la qaadi doono waxaan ka sugaynaa Beesha caalamka oo aan horey ugu sheegnay in Xamar loo laabanayo iyo in shirka la wadayo tasina beesha caalamka ayaan jawaab ka sugeynaa.

Abdikarim:-wax magacyo iyo casuumaad ma hesheen IGAD shirka Kambala,Uganda?

Mudane Mowliid:-Maya ,ma jiraan liis la soo gudbiyey ee magacyo ,iyo warqad casuumaad,haddii liiska la heli lahaa ama magacyada goaan ayaan shirka ka gaari laheyn haddii aan nahay Hogaamiyayaasha Siyaasada soomaalida oo haatan ku sugan madasha Shirkaoo waan tegi lahaeyn ama shirka ayaa horey u socon lahaa.

Abdikarim:- Guddoomiye mala hadasheen Niman Idin ka maqan sida Cabdiqasim ama ergo ma u dirteen arintan madaama uu ka mid yahay Hogaamiyaasha Soomaalida ee looga yeeray Retraet-ka?

Mowliid Macani:- waxaan jawaab ka sugeynaa haddii uu cabdiqaasim la yimaado Xujo ah sidii uu u baabi'in lahaa Retreat-ka iyo shirkaba ooy cadahay oo loo jeedo in uu ninkan shir rabin iyadana jawaab ayaan ka sugeynaa beesha caalamka in cabdiqasim tiisa la raacayo iyo in beesha caalamka goaan kale gaari doonto,beesha caalamka iyo IGAD ayaan jawaab kama danbeysa ah ka sugeynaa,sida daraaded haddii aan nahay Leader`s Committe meel aan u socono ma jiraan Mombaasa walaa Uganda ilaa la soo cadeeyo inta qodob aan soo sheegay,25-hogaamiye haddii hal qof la gu darro cid tageysaa ma jirto Retreat-ka.

Abdikarim:- Wax natiijada ah shirkan socda 3-maalmood ma gaarteen ?

Mawliid Macaani :- Haa ,waxaan sameysaney dalad guud oo 3-guddoomiye leh Aniga iyo shaati gaduud, Xasan abshir, waxaa naloo magacaabey guddiga la xiriiraya beesha caalamka IGAD anagoo ku hadleyna Mgacaga Hogaamiyayaasha Shirka ka qayb galaya.

Abdikarim:-haddii ay arrimaha wax iska bedelaan malaga yaaba in ad tagtaan shirkan?

Mawliid Macaani:-adiga Isbedel ayaad ka hadleysaa ,haddii na la yiraahdo 25-kiina ayaa tegaya ee soo baxa ma tagey ilaa naloo cadeeyo magacyada sida Jaamac ,faarax ,Geedi iwm.

Abdikarim:-Guddoomiye ma hesheen wali waraaqadihii casuumaad ee shirka kambala?

mawliid Macani:-maya ma helin haddii na loo keenana ma tageyno ilaa la soo cadeeyo magacyadda dadka shirka ka qaybgalayo.

Abdikarim:-Mahadsanid Muddane Mawliid


Mawliid Macaani:-  idinkaa Mudan.

Dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein
Nairobi,Kenya.

abdikarimhussein@hotmail.com

SomaliTalk.com | Muqidsho | Dec 17, 2003

Waraysiyadii Cabdikarim Aden Xuseen

Waraysiyadii Ibraahim Maxameddeeq

WARAYSIYADII  FAHAD YAASIIN

JARAA'IDKKA & SOOMAALIDA
Waxyaabahii ay Jaraa'idka Caalamku ka qareen Soomaalida:  English.Version...Click

 
 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD