SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MUQDISHO 
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
Faafin: April 12, 2004

Ugaas Cumar Geelle: Aniga haddaysan sidayda ahayn socon mayso, maanta ma socon karto

Wuxuu Illaahay maanta (11/4/004) suura-gal ka dhigay in aan waraysi la yeesho Ugaas Cumar Geelle Maxamed (Kaneec) oo ka mid ah Isimada Soomaaliyeed ee shirka dib u heshiisiinta Soomalida ee Nairobi ka qayb gelaya. Ugaas Cumar wuxuu ka mid yahay madax dhaqameedyada ka soo jeeda deegaanka Puntland, Ugaasku isagoo ka jawaabaya su'aal ku saabsanayd cidda loo aanayn karo bur-burka Soomaaliya ka dhacay wuxuu yidhi:

Ugaas Cumar: Aniga aragtidayda, eedda, qof gaar ah, ama koox gaar ahi ma laha, waxaa leh dadka Soomaaliyeed oo dhan oo si toos ah, ama si aan toos ahayn uga qayb galay bur-burintii dalkooda iyo dawladnimadooda, welina aad moodid inaysan fahamsanayn qaabkii ay ku raadin lahayeen dawladnimo, midnimo iyo isu imaatin. Marka meel gaar ah anigu tilmaami maayo, laakiin waa la wada leeyhay, waxaanna sabab uga sii dhigayaa dadweynaha oo weli aan u bislaan qofka ay taageerayaan,waxa ay ku taageerayaan, waxa ay yeelayaan, waxa ay diidayaan, midna aan weli u bislaan ee aad moodid in yaac lagu jiro, ayaan sababaha u celinayaa.

Somali Talk:  Ugaas, dadweynaha dhibaatada aad sheegtay ku lugta leh Isimadu ma ku jiraan?.

Ugaas Cumar: Waa ka mid yihiin, kama baxsana, sida koox walba dhaliil loogu heli karo ayaa iyaga laftoodana dhaliil loogu heli karaa, kamana baxsanee dadka dhulka ku nool bay ka mid yihiin.

Somali Talk: Sida laga warqabo Isimadu hub ma qaataan oo ururo ciidan ma hogaamiyaan, marka, qaybta ay dhibaatada Soomaaliya ku leeyhiin waa sidee?

Ugaas Cumar: Waxay ku leeyihiin bulshadu markii dalka la bur-burinayey, qaabkii lagu bur-buriyey wuxuu ahaa qabaa'il, qabaa'ilna waynu garanaynaa waa hawl dhaqan weeye, dhaqankana waxaa awood badan ku leh odayaasha iyo Isimada iyo inta la mid ah, hadday dad waaqiciyiin ah oo aad xilka saaraan  u garanaya ahaan lahaayeen waxaan qabaa inay qayb weyn ka qaadan lahaayeen inay dhibka dhacay baajiyaan.

Somali Talk: Ugaas, waxaa jira nidaamyo fara badan oo dawlad goboleedyo iyo kala dambayn meelaha qaar loogu raadinayey inaad ka qayb gashay, sida shirkii Puntland lagu dhisay, ogaalkaa dhismihii Puntland sidee u qabsoomay?

Ugaas Cumar: Dhismahii Puntland shirar gogol dhig ah ayaa loo sameeyey, anigu xaqiiq ahaan shirarkii dhismaha dawladda Puntland ka horeeyey waan ka qayb galay, kii dambe oo Puntland lagu dhisayeyna waan ka qayb galay, waa loo baahnaa oo nidaamkii oo loo sii dhowaanayo ayeey ka mid ahayd, inay gobolo isu tagaan oo wuxuun samaystaan, waa loo baahnaa baan leeyahay, laakiin waxay ka xumaatay qaabkii loo qaabeeyey oo aan ahayn mid loo dhamaa ee dad gaar ahi abaabulkii iyo wax dooniddii iyo wax soo saariddii iyo wax noqoshadii intiiba isku darsadeen, meel dhexe markay maraysey oo shirkaasi bilaabmay bay dad badan oo aan anigu ka mid ahay ka joogsadeen oo arkeen inuu wadadiisii ka leexday, intii ka dambayseyna waddadaas buu ku socdey.

Somali Talk: Marka adigu hadda ma aaminsanid miyaa inuu nidaam ka jiro meeshaas?.

Ugaas Cumar: Nidaamkii waxaa leexiyey dadkii Puntland dhisideedii ugu horaysey ka qayb galay, waxay sameeyeen awood aan xadaysnayn, waxay sameeyeen awooddii oo meel la isugu geeyey, waxay sameeyeen sharcigii yaraa oo ay dhigteen oo aan la ilaalin, dadkii waxaa sameeyey oo dhan baa lahaa eeddeeda, anigu marka waxaan aaminsanahay wax nidaama oo weyn oo hadda la xusaa inaysan halkaa ka dhisnayn, beelo heshiisa wey jiraan, kuwo gacan saar leh oo markii horeba gacan saar ku yeeshay danahooda gaarka ah, laakiin dal weynaha Puntland la yiraahdo wax mideeya oo halkaa ka dhisani ma jiraan.

Somali Talk: Laakiin, Ugaas meesha maamul wuu ka jiraa madax weyne ayeey leedahay, gole wasiiraa ka jira, baarlamaan baa jira, cashuur baa la qaadaa, ciidamo nabad gelyo iyo wax soo saarba wuu ka jiraa, marka jiritaan la'aanta aad sheegaysaa waa mid caynkee ah?.

Ugaas Cumar: Marka horeba, qaabkii wax lagu dhisay ma ahayn tartan xor loo yahay oo laga wada qayb galay ee xulasho gaar ah ayeey ahayd, mar labaadka lama ilaalin qodobadii yaraa oo ay dhigteen oo sharciga ka dhigteen, waxaadna garanaysaa maalinba, maalinta ka dambaysa in lagu sii tiiganayo sidii qodobadaa loo bur-burin lahaa, waxaynu awel ogayn wakhtigii inuu dhamaaday Puntland loo qararay, doorashana inay dhacday, ka bacdina doorashadaasi markay dhacday in dagaal lagu soo qaaday oo dalkii la bur-buriyey oo ay dad badani ku dhinteen, dad badan baa sharci darradaa u hiiliyey, waxaa la yidhi waxaa wax siyaadsaday dadkii wax loo dhiibtey oo bulshadu wax ku aamintey oo qodobada yar yar u qoratay, dad baa markaa madaxa loo saarayey oo laga qayb gelinayey oo la lahaa hebel iyo hebel baa ii siyaadiyey. Mar labaadkii waxaad u jeeddaa in laga maarmay dadkiina oo maanta ay tahay; "Anaa kororsaday". Sidaasaysan sharci ugu dhisnayn.

Somali Talk: Ugaas arrimaha aad ka sanqadhisay ee ah in sharcigii lagu tuntay iyo in wax la kororsaday, cidda sida tooska ah masuulka uga noqonaysaa waa ayo?

Ugaas Cumar: Cidda toos masuul uga noqonaysaa waa nidaamkii waagii hore aan dhaliilayey oo aan kuu sheegay madaxdiisii iyo inta ugu hiilisa sharci la'aanta.

Somali Talk: Marka, Sidee baad is leedahay waxyaabahaas xal baa loogu heli karaa?

Ugaas Cumar: Taladu waxa weeye in dadka talada wax laga siiyo, waa la soo dhaafay xiligii uu qof keliyihi talin jirey, adduunyada maanta kama shaqayn karo nidaamkaasi, qof iyo laba ku meersan iyo toban ku meersani wakhtigii ay talin jireen maanta lama joogo, annagu waxaan oran lahayn waa in dadka talada wax laga siiyo, odayaasha, bulshada weyn, dhalinyarada, dumarka, qaybaha bulshada oo dhan in talada wax laga siiyo, laguna tix-geliyo wixii heshiis oo la dhigtana sidooda loo xurmeeyo ee aan hadhowdii derbiga lagu dhufan oo laga dhaqaaqin.

Somali Talk: Haddaynu shirka u soo laabano, sidee baa looga gudbi karaa bay kula tahay caqabadaha hadda jira?

Ugaas Cumar: Anigu wallaahay dhibaatooyinka faraha badan ee laga sheegayo inay shirka hor taagan yihiin uma jeedo qof ahaan, hal qodob ayaa ugu weyn waxyaalaha la isku haysto, qodobkaas dawladaha shirka hogaaminaya ee abaabulayey oo hogaaminayey waxay ka soo saareen hadalo cad ama qoraalo cad, waxaa wax soo xulidda leh baa la leeyahay dad siyaasiyiin ah iyo odayaasha dhaqanka oo marka dambe saxeexaya, halkaas haddii cidi wax ka qabi karto waxa, wax ka qabaa waxa weeye odayaasha dhaqanka waayo, wax beelohooda laga soo xulayo nin siyaasi ahi lama xulo, dhaqan cusubna hadda lama samaynayo, mana yeelayno, mana ogalaanayno in la sameeyo, beesha gudaheeda nin siyaasiya wax loo qaybinayo inuu u qaybiyo anaguna aan joogno waa waxaan soconayn, qoladan iyagu diiddani waa ka sii gudubsan yihiin intaas oo waxay leeyhiin:"Jeer ay meesha ka caddaato wiilka siyaasiga ah oo isagu baarlamaanka raba oo wasiirka raba qoraalkiisu inuu yahay kan ugu dambeeya, uguna horeeya shirka geli mayno". Soomaali oo dhami waa arki kartaa waxa meesha ku jira, waa muuqan karaan, aad bay u muuqan karaan. Annagu marka waxaan leenahay caqabad weyn oo shirka hor taalaa ma jirtee ee damac weyn oo kii caadiga ahaa ka saayida oo shirka hor taagan baa jira.

Somali Talk: Marka ma waxaad leedahay wax kale ma jiraane damac baa qodobkaas lagu dabakhayaa?

Ugaas Cumar: Qodobkaasi waa damacii, anigii wax doonayey sidaan rabey ilaa aan ergada iyo dadka wax dooranaya iyo dadka wax soo xulaya jeeraan anigu u wada taliyo wax soconayaa ma jiraan, taasina ma dhici karto, beelaa meesha isugu yimid, beel waliba aragtideeday leedahay, dad badan baa isugu yimid qof waliba aragtidiisuu leeyahay, aniga haddaysan sidayda ahayn socon mayso maanta ma socon karto, adduunka aan maanta joognana kama shaqayn karto.

Somali Talk: Shirku in badan buu socdey, qaabkii uu ku socdeyna hogaamiyayaasha siyaasadda ayaa awoodda shirka iska lahaa, khilaaf kastana iyagaa uun baa lagala hadli jirey, marka haddaad hadda tidhaahdaan Isimo ha la soo geliyo, soow taasi dhalanteed u muuqan mayso?

Ugaas Cumar: Ma aha, anagu haddeer waxba kama qabno siyaasiyiintii la lahaa meelay haystaan haddii iyaga inta meel la isugu keeno, la siiyo awood balaadhan oo ay wax isugu uruuriyaan, laakiin meeshaan ka diiddanahay halkaa ma aha, waxa weeye oo keliya qodobka dhaqanka, beelaha dhexdooda qaabka wax loogu qaybinayo, qofka mudan in wax la siiyo odayaasha taas cidina lama qaybsan karto, mana aha wax qaybsami kara oo gor-goro geli kara, laakiin waxba kama qabno nimankan haddii waxyaabo badan oo ay isugu dhowaan karaan oo tanaasul ah loo sameeyo oo awood badan oo dadka ka dhexaysey la siiyo, laakiin qodobada qaarkood gor-goro ma geli karaan.

Somali Talk: Ugaas Cumar, Isimada laftooda waxaa lagu xantaa inay sida hogaamiyaasha oo kale isu haystaan oo haddii inay wax qaybiyaan loo igmado waxaa dhici karta baa la leeyahay inay isku qab-qabsadaan, maxaad ka leedahay taas?

Ugaas Cumar: Waa khalad fekerkaasi, waana been dacaayad ah oo ay dadka qaarkii fidinayaan, Isim kastaaba beel buu ka socdaa oo metelayaa, beeshuna iyadaa masuuliyadeeda saaratay, iyadaa dooratay, iyadaa shirka u soo dirsatay, waxa la isku qaqabsanayaa marka maxay yihiin, wixii beesha loo qaybinayo odayaal baa qaybiyee waxa ay isku qabsanayaan oo ka dhexeeyaa maxay yihiin?, odayaasha beeluhu isku qabsan maayaan, oday walba beel buu ka socdaa, hor jooge u yahay, dadkii tirada badnaa halkan ma joogaane beel waliba qof bay soo dirsatay iyo wixii isaga caawinaya oo weftigiisa ka mid ah.

Somali Talk: Waxaa la leeyahay Isim kastaa siyaasiyiinta is khilaafsan buu mid kala socdaa, marka haddii uu siyaasi kastaa Isim isaga u xagliya shirka keeno soow khilaaf Isimada dhex mari maayo?

Ugaas Cumar: Taasi dhici mayso Isimada haddii qaybta loo keeno awelna waa qaybin jireen, haddana way qaybinayaan, iskuna qabsan maayaan, waayo miisaanka ay wax ku cabirayaan baa wuxuu yahay caddaaladda, mudnaanta iyo garasha qofka, garaadkiisa, ma aha aniguu I dooranayaa oo Isimadu xubin ma rabaan iyagu.

Somali Talk: Ilaa iyo hadda Isimada Soomaaliyeed ee shirka jooga Isimada reer Puntland ayuun baa u muuqda inay feedha dooxayaan siyaasiyiintooda, Isimada kalena waxay ku daba tukanayaan siyaasiyiintooda waa maxay wax idiin muuqda ee aan Isimada kale u muuqani?.

Ugaas Cumar: Annagu gobolada kale aadna ugama war qabno xaqiiqdii oo hoos ahaan gobol-gobol uma aanu baarin, waxaanse annagu ku talinayanaa oo nala quman waa aragtida dalkayaga taal, ama gobolkayaga taal, anaga dhaqankayagu ma aha beesha marka wax loo qaybinayo in la yidhaahdo siyaasiyiintu ha u qaybiso, waxaanuna ka duulaynaa dhaqan goboleedkayagii, qoladii iyagu si kale dhaqankoodu yahay oo ninka siyaasiga ahi uu wax walba yahay oo isagu ka soo xulaya yahay, oo ka la dooranayo yahay, oo dibutaatigu isaga yahay, oo odayguna daba joog u yahay, anaga dhaqankasi waa mid naga duwan.

Somali Talk: Laakiin Ugaas waxaa jira tuhun ah inaad xiriir la leedihiin siyaasiyiin aan siyaasadda Puntland u xaglin sida Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Dr. Galaydh, tuhunkaas maxaa ka jira?.

Ugaas Cumar: Horta nimankaas aad magacowday marka hore waa niman ka tirsan beelaha aanu odayaasha u nahay, waxayna xuquuq iyo mudnaan u leeyihiin inta kuwa kale ee na eedaynayaa ay leeyihiin, waxba is-ma-dheera oo waa laba nin oo beelaha aanu odayaasha u nahay ka tirsan waa qodob, qodobka labaad annaga hawshayada oo aan ahayn ceebayn marka runta loo hadlo iyo in qofka dembi la saaro, laakiin haddii qof la ceebaynayo dadkaanu masuuliyadaha u dhiibanay oo ilaa lix sano nagu soo maamulayey oo dalkii masuul nooga ahaa oo xilal waaweyn aanu ka filayney inta ay hawl qabteen oo hawsha aanu u dirsanay ay ka qabteena maanta waan sheegi kari lahaa haddaan nin wax ceebaynaya ahay, inta ay dalka dhib u geeysteen Bad iyo Berrina waan sheegi lahaa haddaan ahay nin doonaya inuu dad faro ku fiiq-fiiqo, laakiin waanan doonayn inaan cidna faraha ku fiiqo, shaqadayduna ma aha inaan wax ceebeeyo, waa inaan wax asturo.

Somali Talk: Ugu dambayntii, Ugaas waa maxay fariinta aad gaadhsiinayso ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland?

Ugaas Cumar: Ummadda Soomaaliyeed iyo reer Puntland'ba waxaan u soo jeedinayaa dalka ha la ogaado, waynu wada leenahay, qof waliba waa leeyahay, qof gaar ahi ma laha, xilkiisuna waa ina wada saaran yahay, khaladka iyo saxa inaynu is tusaalayno qof walba waa laga rabaa, haddaynaan wada garan xilka uu dalkeenu inaga sugayo, dawladnimadeenu inaga sugayso, dadkeena dhibaatada haysata haddaynaan wada garan oo aynaan u bareerin inaan u dhibtoono, inaynu eed u gallo, inaan wax badan ka tanaasulo, horta lama gaarayo ujeedada weyn ee aynu leenahay. Dadka reer Puntland gaar ahaan waxaan u leeyahay waad og tihiin inta dhibaato hadda dalkeena ka dhacday, gobolada aynu joogno inta dhibaato ka dhacday waad og tihiin oo waa laga bad-baadin karay ummadda haddii uu caqligu shaqaynayo, waxaan hadda dareemaynaa in hadda kuwo kale la abaabulayo oo ka sii khatar badan kuwii hore u dhacay, sidaa darteed waxaan dadka Puntland odhan lahaa indhaha fura, nidaamkaa yar oo aad samaysateen oo aan anigu hadda dhaliilaha badan u yeelayey ilaashada, nin ma leh, oo qof ma leh, oo laba ma leh, oo in mar is raacday ma lehe waynu wada leenahay dalka iyo nidaamkaba, marka ilaashadaan odhan lahaa.

Ibraahim Maxameddeeq 
imdeeq@yahoo.com 
Nairobi SomaliTalk.com | April 12, 2004

WARAYSIYAAL HORE EE UU QAADAY IBRAAHIM:

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]