SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - FAALLO
USAAMA BIN-LAADINOW SAAN MAAKA DEYSID

Faaladii Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
feb 22, 2003

Ayman Al-Dawaahiri iyo Usaama Bin-Laadin oo tababar xiraya

Usaama Binu-laadin waa ninka dunida oo dhan ugu magaca dheer, laga soo bilaabi dhacdadii 11-Sep 2001. hubaal waxa ah qof magaciisa aan maqal inuusan jirin, taasna waxaa u keentay colaadda xooggaysan ee uu la beegsado Maray-kanka, hankiisa u danbeeyana waa inuu arko Maraykan oo baaba’ay sidii uu u soo joogay Midowgii Soofiyeet-ka oo tirtirmaya!.

Aragtida aan kaqabo dagaalka uu kula jiro Maraykanka ee ah qarxinta goobaha Maraykanka, waayadii ay dhawayd qaraxii uu maskaxda ka ahaa ee ay saaxiibadiisii 19.ka wiil ahaa ay la beegsadeen xarunta ganacsiga ee Maraykanka ayaan wax ka qoray, anoo aan mar sii horeysey ku faafiyey Wargays aan saaxiibka la’ahay.

Qormadaanna waxaan rabaa inaan ku eego dhinac kale oo ka mid ah afkaaraha uu Usama Bin-laadin Shucuubta islaamka ugu yeerayo mid ka mid ah, waayadan danbe waxaa iska soo daba dhacayey cajalado la yiri waa codkii Usama oo inta badan ah fariimo uu u sheegayo bulshada Muslimiinta.

Fariintii u danbeeysay oo dhinacyo badan taabaneysay ayuu Usama waxa uu la hadlay bulshada Islaamka, hadaladii uu ku yiri waxaa ka mid ahaa ( shucuubtu waa iney ka soo horjeestaan madaxda u talisa ee u adeegaya gaalada, waa iney iska tuuraan madaxdaas isaga oo waliba dowladaha qaar magacaabayey).
  [qoraalka oo dhanHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Wadaadkan dunida oo dhan ayaa wada eegeysa qolaba walibana il gooni ah ayey ku eegaysaa, Maraykanka iyo xulufadiisa waxay u arkaan cadowgooda koowaad, halka dadka la dhacsan Alqacida iyo xubnaha Alqacidaba ay u arkaan halyey Ilaahay u soo saaray Muslimiinta oo ayna waajib tahay in jidkiisa la raaco, Usaama waxa uu dunidan aan joogno ku soo biiriyey aragtiyo ad adag oo aysan u baran dadka maanta dunidan ku nool, hadalkiisana waxaa macno weyn u yeelaya ogo’aan-shaha la ogyahay inuusan ahayn wadaad wacdiya dadka oo kaliya ee uu yahay wadaad isku dhexwada qawl iyo qori, feer iyo fahamsiin.

Waa nin u dooda xuquuqda dadka Muslimiinta isagoo u maraya wadada xoogga iyo burburinta ama wiiqidda awoodda cadawga, si uu Muslmiinta u fahamsiiyo inuu iyaga difaacayo, hadaba sideebuu rabaa Usama inuu ku helo taageerada bulshada si ay ula galaan dagaalka uu kula jiro Maraykanka iyo xulufadiisa, ma sida uu u dhahayaa ku kaca dowladaha aad ka dhalateen? Sidee qofku isu qaybin karaa oo halmar dagaal u wada gali karaa uu ka bilaabayo gurga uu daganyahay ilaa Maraykanka iyo bahwadaagtiisaba? Waa su’aal ay ka jawaabi karaan Usama iyo ragga la jaalka ah.

Saxaafada Yurub oo qaawisay siyaasadii Maraykanka.... GUJI
WQ. Xasan Nuur

Haddii la doonayo in lala diriro Gaalo iyo bahwadaagteeda ma inaan kolka hore gubnaabaa dhulalka Muslimiinta, tusaale ahaan haddii shucuubta Muslimiinta ay si dhaga nugayl ah u qaadato fariinta Usaama oo ay dodyowga u dhashay dalalka Carabta ay barito buuq iyo dagaal ku kiciyaan dowladahooda, maxaa natiijo ah oo laga gaarayaa? Sow ma’ahan dhiiqo biyo lagu sii daray! Hadaladii uu wadaadku yiri waxaa ka mid ahaa bulshada ku nool wadamada Urdun, Yaman, Masar, Khaliijka iyo I.W.M. haku keceen dowladaha xukuma, illeen gaaley la dhinacyihiinee, taasi waxay marag u tahay in uusan xisaabtan dhab ah kadib dhihin hadalkaa, gaalada maanta waxa ugu weyn ee ay rabaan iney gaaraan waa hanashada hogaanka dowladaha Islaamka, waxayse ka sii jecel yihiin dalka iyagoon ku soo duulin inta is abaabula isa sii burburiya oo ku kaca dowladahooda sida Soomaaliya oo kale, Soomaaliya waa dal marag u ah in Maraykanku uu aad ugu riyaaqayo in dunida islaamka ay noqoto sidaasoo kale, sababtoo ah dowladnimadu waxay ogaadeen iney tahay caqabad hortaagan horumarinta danaha R/Galbeedka, maanta Soomaaliya Maraykanka iyo dunida oo dhanba waxay rabaan ayey ka qabsan karaan, haddiise ay dowlad jiri lahayd waxbadan uma suura galeen.

Sida ay qabaan Culimada Muslimiinta dowlad Jaa’ir ah waxay dhaantaa dowlad la’aan, hadaba haddii Wadaadkan Usaama uu yiraahdo dowladaha maanta dunida islaamka ka jira xididada haloo siibo, ma wuxuu ka rabaa in Muslimiintu ay noqdaan Ari xero la’aan ah? Marka larabo in bulsho isbadal lagu sameeyo waxaa sax ah in looga fakaro dadku sida ay hadda yihiin sidee ka fiican oo loo heli karaa, haddiise la dhaho waxaad haysataanna tuura markaad banaanka timaadaanna aan iswaraysanno sow kud ka guur oo qanje u guur ma’ahan!Waxaa moodaa iney tahay talo aan aad loo lafa gurin, dalka Soomaaliya oo maanta burburkiisu uu 12.jirsaday waxaan shaki ku jirin in wadaadadu ay qayb ka qaateen burburkii dalka, la isma weydiineyn haddii dadka laga dhaadhiciyo M.S.Barre inuu nin xun yahay waajib diini ahna tahay in xukunka laga qaado maxaa xiga? Waxaad moodaa kaliya in aragtidoodu ay ku koobanyd horta bal xukunka M.S.Barre haka dago, wadaad ka mid ah Culimada Soomaaliya ayaa iigu sheekeeyey in Xajkii 89-kii, ayagoo badan oo ka mid ah Xujaajtii Soomaalida ay halmar gacmaha kor u wada taageen oo shiikhii duceeynayey yiri ( ILAAHAYOOW M.S.BARRE XUKUNKA DAG DAG UGA QAAD) sheekhii sheekada ii waday wuxuu intaa iigu daray, ducadii Ilaahay wuu naga aqbalay oo Ilaahay M.S.Barre naga qaad, haddiise aan maalintaa Ilaahay ka baryi lahayn Ilaahoow M.S.Barre si dhaanta noogu badal waxaan rajeynayey in Ilaahay uu naga aqbali lahaa taasna, laakiin hankeennii ayaan soo yareynay, waxaanna ka boodnay in Ilaahay aan ka barino inuu dhibaatada aan ku jirno uu si ka fiican noogu badalo.

I  I  D  H  E  H

Hadaba haddiiba ay jiraan wadaado la qaba Usaama colaadan cusub ee uu rabo inuu dagaal ka dhex huruyo Bulshooyinka Muslimiinta iyo dowladahooda, waxaa cad iney tahay burbur loo horseedayo dunida islaamka, su’aasha ugu fudud ee la is weydiin karo waxay tahay, maanta hadduu shacabka Sucuudigu ku kaco Boqortooyada Sacuudiga oo kacdoon shacab lagu qaado yaaweeye Hogaamiyaha hadda taagan ee leh anaa dalka qaban oo maamuli, haddii R/Masar la dhaho ku kaca dowladiinna intey joogaan shacabka isu dhigi karo madaafiicda ay adeegsan doonaan ciidanka ku hareereysan dowlada.

Waxaan aad ula yaabanahay geesinimada Usaama ee xaga dagaalka iyo kal adayga uu u leeyahay inuu bareerihiisa cadaysto, inuu hadana geesi ku noqdo fatwo ka soo saarida arimo ad adag, gaar ahaan marka la joogo qof gaaleysiin, maanta dunida islaamka waxaa ku nool Culimo waaweyn oo diintooda iyo cilmigooda aan ku kalsoonahay, Usaamana uusanba agtooda qori ka soo goosan karin, Culimadaas ayaa ku dhiiran waayey iney gaaleysiiyaan xukaamta maanta jirta, Madaxwey-nayaasha qaar wey jiraan Culima gaaleysiisay laakiin Culimida Muslimiinta wali ma aysan dhihin dowladaha maanta dunida islaamka ka jiraa waa gaalo saas awgeed in lala dagaalamaa waa waajib, kolka fatwada dagannaashaha iyo hubsadashada ku dhisan ee Culimadeenna waaweyn iyo tan kalya adayga un ku dhisan ee wadaadkan Usaama deg degga ku soo saarayo teebaan qaadaneynaa? Anigu koley tan Culimada ayaan qaadanayaa, adna ila yeel baan ku dhihi lahaa.

Shaki wuxuusan ku jirin in Usaama dagaalka uu maanta Maraykanka kula jiro uu kaga helay sumcad fiican dadwenaha Muslimiinta, sida ay taas u cadahay ayaa hadana waxaa cad marka uu damco in dunida islaamka dhamaanteed uu ka wada dhigo goob dhiig ka wada qubanayo inuu waayi doono taageerayaal badan oo qosli jiray goorta fariimihiisa laga dhagaysanayo kanaalka Aljaziira oo ah xarun warbaahineed oo itna badan tabisa baaqyada Usaama.

Itoobiya: Qaansada maslaxadeena & Cawodgeenaba!  
C/raxman Ceynte

Laba qodobba sax kuma ahayn in maanta dunida islaamka shucuubta ku nool lagula taliyo iney ku kacaan dowladahooda, waa tan horee Usaama ma’ahan sheekhii ay Muslimiintu ka qaadan lahaayeen fatwada diineed ee waa wadaad ku hawlan kacdoon dagaal ku dhisan, doonayana inuu Jahaad wax ku soo celiyo, maadama aysan helin Culimadii aqoonta xeesha dheer u lahaa shareecada islaamka wax ku dhiiri galiya iney gaalnimo ku xukumaan madaxda dowladaha Islaamka ayaa waxaa adag in Usaama laga aqbalo fatwo gaalnimo dusha ka saareysa madaxdan, annagoo markaa maanka ku hayna in Usama laga aqoon badan yahay, lagana xog-ogaalsan yahay.

Waa tan labaadee dunidii Islaamka oo awalba sii baaba’sanayd haddii la dhaho inta hartay hala is raaciyo oo dunida Islaamka oo dhan halaga dhigo sida Soomaaliya oo kale, waxaa cad iney ku biyo shubaneyso ra’yigii ahaa, horta bal waxa taagan aan iska qaadno kadibna bal aan isaga imaanno waxaan sameyn lahayn marka lagaaro xiligeeda, taasoo u eg tubtii ay ku socdeen Jabhadihii ku kacsanaa dowladii M.S.Barre ee markey dalka gacanta ku dhigeen inta is eegay oo misana is waraystay hadana xabaddii lagu ridayey M.S.Barre iskula soo jeestay, tusaalaha kale oo dhaw waxaa loo soo qaadan karaa Jahaadkii Afgaanistaan ee socday wax ka badan 20.ka Sano oo goortii guusha la gaaray ay madaxdii Mujaahidiinta isla afgaran waayeen sidii ay awooda u qaybsan lahaayee, saa awgeed ayaan Usaama leenahay wadaadoow Aashaa.

  fahad yaasiin

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir 
editor@somalitalk.com 

 

Feb 22, 2003 

I  I  D  H  E  H

....FAALLO: MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA 

..... WARAYSI: FAARAX MACALIN, GUDOOMIYAHA XISBIGA SAFINA, KENYA

... FAALLO: Itaxaadka Soomaaliya

... FAALLO: AYAAN DARRADA AYAAN XIRSI MAGAN:

WARAYSIYADII FAHAD YAASIIN

WARAYSIYADII IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD