SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN
FAALLO: Nabadgelyo Darrada ka Jirta

Somaliland iyo Qaska siyaasadeed ee ku xayndaaban

(Ururka Qurba jooga Difaaca Somaliland)


MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

 

 

"...waxaa soo huleeshay xoogagii USC oo aan runtii sidaa looga aqoon hirdankii halganka, Maxamed Faarax Caydiid, oo wakhtigaasi hammi badan ugu jiray sidii uu reerka uu ka dhashay ugu celin laha mansabka Siyaasadeed ayaa wuxuu isticmaalay Hammuun aan cadawga lala beegsan balse xanuun ku noqotay runtii birma gaydo farabadan oo degenayd xaruntii dhexe ee dawladi siyaad bare waa Muqdisho eh, waxaa halkaasi ay xoogagii USC ee magaalada soo gelay ka gaysteen falal foolxumo ah oo aargoosi lala beegsaday dumar iyo caruur... "
Diridhaba: June 15 2003
 

"...hortaantii 91 kii ayaa ciidamadii halyeeyada ahaa ee SNM waxay si ismiidamisa u hujuumeen magaalooyinka Burco, berbera, iyo weliba xaruntii ay muddoyinka badan hiigsanayeen ee Hargeysa, Keligii taliye Maxamed Siyaad Barre iyo weliba Hogaankii Ciidamada aagga gobolka Hargeysa ee loo yaqaanay qabta 26aad, Gacan ku dhiigle Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, iyo xubno sare oo kalaba waxay ku sugnaayeen tuulada Hawash oo ay kala arrinsanayeen hogaankii sare ee dalka Ethiopia...", Diridhaba: June 15 2003

"... SNM Hargaysa iyo burco waxay soogaleen 1988.."
Aden Mohamed: Oct 11, 2003

Mahad waxay u sugnaatay ilaahay subxanahu watacalaye naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato nebigeena suuban Maxamed (C.S.W), akhristayaal waxaanu halkan ku soo bandhigi doona dhacdooyin nabadgelyo darro ah iyo weliba qaska siyaasadeed ee ku xayndaaban geyiga Somaliland, laga soo bilaabo sannadkii 1991 markii lagu dhawaaqay xornimada iyo gooni isu taagga jamhuuriyadda Somaliland, waxaa jirtay nabadgelyo iyo xasilooni ay ku taamayeen shacbiga reer Somaliland taasi oo xaqiiqdii ka midho dhallisay in geyigani ka duwanaado dhamaan dalalka ku xayndaaban, waxaa xusuus mudan markii dhamaan beelaha, siyaasiyiinta, waxgaradka, cuqaasha, mutacalimiinta iyo culuma awdiinka dalkan Somaliland ay iskugu tageen magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco in halkaasi lagu fallan qeeyey arrimo badan lagana midho dhalliyey, taasi akhrist! ow waxay horseeday in dalkani muddo 13 toban sanno ku dhaqmayeen xeerarkii ay waxgaradkoodu ku gaadheen magaalada burco kuna soo gaadheen hanaanka dimuqradiyada axsaabta badan si xishmadlehna uga midho dhallay, balse su,aasha meesha taalla ee in laga jawaab ku habooni waxay tahay Sidee xaaladda nabadgelyo iyo siyaasadeed ee Somaliland ku suganyahay, akhristayaal waxaan halkani ku soo bandhigayna hadaba dhacdooyinkii ugu xuma ee soo mara jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba qalafnaanta siyaasadeed ee ka soo bildhaamaysa ardaayada kala duwan ee kulaala qaddiyada Somaliland aan ku bilaabo dhacdooyinka ka dhacay sannadkan:-

1. DILKII LOO GAYSTAY MUWAADINKII SWIZ-KA AHAA IYO WAXQABASHO LA,AANTA DALWADDA

Sannadkan aynu ku jiro horaantiisi waxaa ka dhacay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa dilkii ugu foosha xuma ee soo mara abadan ka dib muddo 8 sanno ah, waxaa habeen ka mid habeenadii badhtamaha sannadkani aynu ku jiro si badheedh ah loogu toogtay meel u dhaw dukaanka Star Super Market ee magaalada hargeysa nin ay dhallashadiisu tahay waddanka Swizerland, ninkaasi oo u yimid hawlo ganacsi, una yimid Somaliland xasiloonida iyo ammaanka ay kaga duwantahay dhamaan dawladaha ku xayndaaban, akhristow muwaadinka Swiz-ka ahi isaga oo aan waxba galabsan wuxuu ku waayey noloshiisi ammaan darro ay u horseeday Dawladda Somaliland, waxaa xusuus mudan in Dawladda Somaliland ay ka qaaddo shakhsi kasta oo ajanabi ah lacag xad dhaaf ah oo aan sharciga waafaqsanayn sannadkii, sababta ugu weyn ee looga qaado lacagtaasina waxay tahay in lagu sugo ammaankooga, waxaa nasiib darro weyn ah in Dawladdu dhinac iska dhigtay dabagalka iyo raadraaca dilkaa loo gaystay ninkaa miskiinka ah.

2. TOOGASHADII LOO GAYSTAY LABA NIN OO U DHASHAY WADDANKA JIBOUTI

Bilahii ina dhaafay muddo hadda laga joogo muddo kooban waxaa badhtamaha magaalada Hargeysa kaga sii darane meel u dhaw Wasaaradda Arrimaha Gudaha aan sidaasina uga sii durugsanayn Madaxtooyada looga taliyo Jamhuuriyadda Somaliland, toogasho badheedh ah loogu gaystay laba nin oo u dhashay Jamhuuriyadda Jibouti oo waddanka u yimid fasaxa xagaaga, labadaa nin oo midna markiiba naftu kaga baxday isla goobtii lagu toogtay kii kalana dhaawac halis ahi gaadhay kuna waayey laxaadkiisa, ayaandarrada ugu weyn waxay tahay in aan dawladda Somaliland iyada oo og cidda ka danbaysay toogashadaa sababtayna dilka iyo dhaawaca aanay ka daba tegin cid loo raacayna jirin, markaa arrintu miyaanay noqon Karin “Timir laf ayaa ku jirta”</! SPAN

3. DILKII LOO GAYSTAY ANNELINA TONNELI

Muddo hadda laga joogo dhawr todobaad waxaa ka dhacay magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Boorama dilkii ugu foosha xuma ee soo mara abadan taariikhda Somaliland, ka dib markii dil toogasho ah loo gaystay gabadh u dhalatay waddanka talyaaniga oo u joogtay magaalada Boorama hawlo samafalnimo ah (Aid worker activist), oo ay u haysay boqolaal qof oo u dhashay magaalada Boorama, waxaa marag ma doonto ah hawlahii samo falnimo ee Annelina Tonneli sida shakhsinimada ah ugu qabatay boqolaalka qof ee u dhashay magaalada Boorama, hospital-adii iyo dugsiyadii ay sida hagarla,aanta aha uga furtay magaalada Boorama, inkasta oo qaddarka ilaahay meesha yaallo oo aan nafna maalinta ay dhimanayso seegaynin waxaa annelina tonneli si amaan darro ah u seeg! tay nafteedi, waxaanay hadda u muuqata in kiiska annelina aanu waxba ka duwanaan doonin kuwaa hore aan u xusnay.

4. MASHAQADA SIYAASADEED IYO MURANKA SALAADIINTA

Qodobka ugu horeeya Dastuurka Somaliland ayaa wuxuu dhigaya in aan cidina gor-gortan looga galaynin Madaxbanaanida iyo qarranimada Somaliland, waayo Shacabka ayaa kasbaday, Dastuurka aan akhristow xusnay waxaa %97 codkooda siiyey Shacabka Somaliland, waxaa kale oo Dastuurka ku qeexan in awoodda dalka iyo magaciisaba keliya ay matali karto Dawladda markaasi xukumaysa dalka ee shacabku doorteen, waxaa ayaan darro ah in Salaadiin hawabwsan oo dhuuni raac ahi ay magaca iyo sharafta iyo cisiga umadda Somaliland,doonayaan inay matalaan taasi oo inbadan la iskugu dayay in lagu waxyeeleyo, balse ay noqotay hal bacaad lagu lisay, dadkani maaha dadkii hore dalkuna maaha halkuu maraayey wakhti hore, ummadu way ka daashay baratayna ashkhaastaasi, balse ayaandarradu waxay tahay Suldaan sheeganaya inuu matallo ama xukumo beel hadana do! onaya inuu dhabarka ka jabiyo ummad dhan ama qaran dhani waxay isla citiqaadeen, ma odhan kara akhriste Suldaanku waa kii shallay jawaabta Su,aashu waa maya? Waayo suldaan marka ay beeli samaysanayso ama magacaabanayso waxaa laga dhex xuli jiray ninka ugu miisansan uguna caqli galka badanleh, balse Suldaanka maanta u baanbaxay inuu dumiyo qaranku ka dhashay waa waxaan caqliga iyo garaadka caafimaadka qaba liqi Karin, waxaa taasi ay muujinaysa in kala danbaynti qaranimada Somaliland ay u muuqato inay meesha kaba sii baxayso, waxaa hadaba meesha taalla in hawshan hadda jirta iyo salaadiinta u baanbaxay duminta qaranka Somaliland meel looga soo wada jeesto, dhammaan shacbiga iyo waxgaradkooduba, xil wuxuu ka saaranyahay shacabka oo looga baahanyahay inay gacmaha is qabsadaan kana hortagaan wixii u keenaya carqalad iyo duminta qarankooga, xil wuxuu ka saaranyahay siyaasiyiinta daacadda ah ee Somaliland oo ah inay qaddiyadda Somaliland ka difaacan cadawga gudaha, xil wuxuu ka sa! aranyahay culuma awdiinka Somaliland oo looga baahanyahay inay! si bala adhan uga qayb galaan hadafka shacabkooga, xil wuxuu ka saaranyahay Mutacalimiinta, iyo waxgaradka iyo dhalinyarada Somaliland, xil wuxuu ka saaranyahay Salaadiinta Wanaaga dalkooga iyo aaya tallinta shacabkooga u heellan, waxaanu usoo jeedinayna shacabka Somaliland inay gacmaha isqabsadaan xaaladdana uga gudbaan sidii kuwii hore usoo maray.

5. DILKII LOO GAYSTAY RICHARD GARDENER IYO HAWEENAYDIISA MAGAALADA SHEEKH EE GOBOLKA SAAXIL

Waxaa 20 Bishan October, si badheedh ah oo aan qarsoodi ahayn loogu toogtay Richard Gardener iyo Haweenaydiisa oo ahaa Macalimiin wax ka dhigaayey dugsiga Sare ee Sheekh ee Gobolka, Saaxiil, akhristow hadda ma qarsoona awooda iyo itaalka Dawladda Somaliland ay ku tahli wayday inay sugto amaanka Mujtamaca ajanabiga ee u jooga Somaliland inay caawiyaan bulshadeena ka tabaalaysan dhinacyada Bulshada, waxaa uun laga jooga seddex todobaad in ka yar markii haweenay talyaani ah oo taakulanaysay boqolaal qof magaalada Boorama ee Gobolka Awdal si badheedh ah loogu toogtay, Waxaa cad oo aan meesha laga saari Karin in falalkani ay si toos ah uga danbeeyan dadka la yaqaano ee qaranimada Somaliland lidka ku ah, hadaba iyada oo Dawladda Somaliland og galdaloolooyinka iyo carqaladaha siyaasadeed ee aan inoo ogolayn horumarka, waxay Dawl! addu dayacday inay tusaale ku qaadato dilkii hore loogu gaystay Annelina Tonneli, tani waxay dhaawac weyn ku tahay dedaalkeenii aynu ugu jiray in beesha caalamku garawsiiyo ka muujiso hanaankeena dimuqradiyadeed, aqoonsi buuxdana aynu ku kasban lahayn, weli Somaliland 13 sanno ee ay jirtay may soo marin dhacdooyinkani sida isdaba jooga ah u asiibay dadka sida gaarka ah shacabka Somaliland ula saaxiibka ah ee u jooga wadddanka inay taakuleeyan umadda Somaliland, Waxaan kalsooni buuxda ku qabna in Shirk u sheega ka socda tuulada Mgathi ee magaalada Nairobi loogu arrinsanaayo sidii dhaawac loogu gaysan lahaa qaranimadeena iyo sharafteena iyo cisiga aynu ka kasbanay beesha caalamka, waxaan shaki ku jirin hadda in qabqablayaasha kooxaha Soomalida iyo weliba dawlado kale oo ka caawinaya ay asiibayaan geedi socodka hanaanka umaddani kasbatay, hadaba waxaanu Dawladda Somaliland usoo jeedinayna laba arrimood oo ah inay kala doorato (ultimum decision)

1. In Dawladda Somaliland u duurgasho xaaladda Amaanka ee dalku ku suganyahay iyada oo adeegsanaysa

a) Sugidda amaanka Ajanabiga ku sugan waddankeena Somaliland.

b) Ka warhaynta xogaha Sirdoonka ee cidhifyada Somaliland

c) Iskaashi lala sameeyo dawladaha aynu saaxiibka nahay sida dawladda Ethiopia iyo Djibouti</ST! 1:country-region si argagixisada dagaal loogu wada qaado

d) Qalabaynta iyo tayaynta ciidanka amaanka qaranka Somaliland

e) Sugidda Xuduudaha Somaliland.

f) Ka warhaynta siyaasiyiinta aan u dhallan Somaliland ee ku sugan waddanka Gudahiisa

g) In dalka laga caydhiyo dadka aan u dhallan Somaliland ee sida sharci darrada ah waddanka ku jooga (Waayo waxay fududayn karaan in loo adeegsado hawlgalada Argagisada)

h) Adkaynta Hawlaha Socdaalka dalka, khaasatan soo galaytiga ka imanaya Soomaliya iyo xaqiijinta hawlaha ay dalka u imanayaan.

i) Dabagalka iyo xaqiiq ka sheegidda dadkii gaystay dilkii loo gaystay dhamaan dadka kor ku xusan.

j) U hogaansamidda xeerarka iyo qodobadda Dastuurka ee qeexaya hawlaha amaanka iyo kala danbaynta qaranka

2. Qodobka labaad waa qodob u ah Dawo dhamaan geyigeena Somaliland oo ah haddii ay dawladda Somaliland tahli kari waydo qodobada kor ku xusan in ay is casisho oo dalka ay ku soo dabaasho doorasho xor ah.

Ururka Qurbe Jooga Difaaca Somaliland

South East Asia (Koonfur Beri Aasiya)

Waaxda Karachi

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey

 
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2003

 QORAALADII HORE EE DIRIDHABA  

Sool iyo Somaliland Yaa Ugarnaqa [Assad]


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Xaalada Magaalada Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka akhri warbixintii Asad Cadaani

YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec 14, 2002

BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa  

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12/2002
 

Bayaan ay soo saareen jaaliyada SSH ee Kuwiat
Annagoo ah Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag iyo Hawd in badan ayaanu   GUJI  12/12/2002

Jaaliyada dhulbahante ee w/america warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in GUJI  11/12/2002

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan Eldoret ayaa.. GUJI  8/12/2002

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood, kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha... GUJI  8/12/2002

DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD