Baarlamaanka dalka ingiriiska (House of Commons) ayaa markii
ugu horaysay muddo 44 sannadood ah arbacadii doraad miiska fadhiyadooda soo
dhigay dood culus oo ku saabsan qadiyadda Somaliland iyaga oo sida ay
sheegeen warar rasmi ah.
Dooddani waxay miisaska timi ka dib markii ay xubno
baarlamaanka ingiriiska ah oo dhowaan booqasho ku yimi Somaliland iyo weliba
mudanayaal kale miiska soo dhigeen ajande ku saabsan Somaliland, waxayna
mudanayasha baarlamaanka ingiriisku ajandahaa dood xiise leh ka yeesheen
arbacadii doraad, dooddaasina waxay ka dhacday hoolka fadhiyada xarunta
baarlamaaka ingiriiska ee London, dooddan oo socotey muddo laba saacadood
gaadhaysaa waxa lafa gurkeeda bud-dhig u ahaa sidii loo aqoonsan lahaa
Somaliland iyo sidii loo siin lahaa caawimo wax ku ool ah oo toos ah, waxayna
mudanayaasha doodad jeediyey farta ku fiiqeen inay Somaliland xaq u leedahay
in la aqoonsado, isla markaan waxaytilmaameen inay dawladda ingiriiska waajib
ku tahay inay deeq toos ah siiso Somaliland.
Tony baldry oo ah mudane ka tirsan xisbiga qunyar socodka ee
mucaaradka (Conservative), kana mid ahaa weftigii baarlamaanka ee Somaliland
booqashada ku yimi ayaa sheegay inay dooddan tii ku xigtay ee nooceeda ahayd
ay baarlamaanka ingiriiska ka dhacday 4-tii May 1960kii, taas oo uu
ra’iisal wasaarihii ingiriiska ee xiligaa Harold Macmilan uu soo hordhigay
baarlamaanka ajande ku saabsan Somaliland, iyadoo uu ra’iisal-wasaaraha yidhi
“Wax kasta oo uu aayaha Somaliland ku dambeeyo waxa muhiim ah in xidhiidhkii
saaxiibtinimo ee ay dadka reer Somaliland iyo ingiriisku lahaayeen mudada
dheer uu noqdo mid sii jira oo horumar sameeya”.
Mudane Tony Baldry waxa kale oo uu halkaa ka sheegay inay
jirtay ballamo ay boqortooyada ingiriisku xiligaa uu qaaday dadka reer
Somaliland, ballamahaasna ay ka mid ahaayeen “In wax kasta oo uu aayaha
Somaliland ku dambeeyo ay dawladda ingiriisku sii wadi doonto taageerada
dadka iyo danaha ummadda reer Somaliland, isla markaana ay si gaar ah u sii
wadi doonto gaareedii dhaqaale ee ay boqortooyada ingiriisku siin jirtay
Somaliland”.
Hase yeeshee mudane Tony Baldry waxa uu carrabka ku adkeeyey
oo uu yidhi “Hadii ay Somaliland mar uun u bahanayd xidhiidhkii
saaxibtinimo iyo caawimadii ingiriiska” waqtigaas waxa maanta.
Qofkasta oo hargeysa ku nooli qoxooti ayuu noqday markii ay
dadki koonfurtu burburiyeen ee ay diyaarado, Taagiyo iyo Madaafic la dhaceen
magaalada, markaa sidee ayey suurtagal u tahay in dadkii waxaa loo geystay
lagu yidhahdo ku noqda dadkii idin baabi’iyey, waxaanu soo aragnay xabaalihii
lagu aasay kumanaan qof oo maydkoodi la helay iyaga oo isku xidh-xidhan.
Wuxuu
Mudane Cismaan Jaamac shaaca ka qaaday arrin muhim ah oo siyaasiyiinta
"Somaliland" ka qarin jireen dadweynaha reer Waqooyi. Waa markii u
horraysay oo ay Ummadda Soomaaliyeed ka maqasho qof mas'uul ah oo goob
joog ahaa shuruudihii Mareekanku ku xidhay aqoonsigii "Somaliland"
waydiistay. Waxa shuruudahaasi ahaayeen in SNM oo goosashada ku
dhawaaqday soo caddayso arrimaha soo socda:
Tabatiig..
|
Dadka reer Somaliland markii aynu u baahnayn way iskeen garab
taageen, waxaana xusid mudan waqtigii ciidanka Talyaaniga oo tiradiisu ahayd
91,000 askari iyo 200,000 askari oo ay soo urursadeen inay iska horyimaadeen
9,000 oo askari oo u badnaa Somaliland Scouts iyo Somaliland Corps, kuwaas oo
ciidamadii soo weeraray ee Talyaaniga ka dilay, sidii loo difaacayna waxay
raad ku yeelatay waxyaalihii ay Talyaanigu damacsanayeen inay ku kacaan oo ay
baajisay.
Mudane Tony Baldry isaga oo ka hadlayaa aqoonsiga Somaliland
waxa uu yidhi “Aqoonsiga Somaliland loo diidayaa waxay ka dhigan tahay
inaynu danta dagaal-oogayaasha ka hor marinayo, kuwa nabadda dhaliyey ee
dimoqraadiyadda iyo dawladnimada samaystay, dadka reer Somaliland-na waxa
lagu leeyahay inta aad ku biirtaan kuwa koonfurta burburiyey idinkuna
dhulkiina burburiyey , ka dibna marka aad dhulkiina burburisaan ayaanu idin
aqoonsanaynaa, hadiii aaad koonfurta banaanka ka joogtaan oo aad
dimoqraadiyad iyo deganaansho samaysataaana waanu idin ilaawaynaa”.
Laakiin xeeladdii bulshada caalamka ee ahay in hadii loo samro oo muddo la
sugo ay soomaalidu aakhirka isu iman doonto, taasi ma shaqaynayso, hadii la
sii eegtona khatar weyn ayaa ku jirta, sugitaankiina wuu dhamaaday, waayo 14
sannadood ayeynu lahayn soomaalidu dib ayey isugu iman doonaan oo isu jeclaan
dooonaan, laakinse taasi waa wax aan dhacaynin, dhulalkii soomaalidana meesha
qudha ee shaqaynaysaa waa Somaliland ee aynu halkaa dhisno, aynuna abaal
marrino dedaalka iyo dhaqanka wanaagsan ee ay Somaliland la timi, hadii aynu
aqonsiga ugu horaynana wadamo badan ayaa inagu dayana lahaa, waxa kale oo aan
dareensanahay in afkaartii beesha caalamka ee aqoonsiga Somaliland ay iminka
sidii hore iska bedeshay oo aanay caalamka hadda jirin cid aad uga soo
horjeedda Somaliland.
Waayo tusaale ahaan waxa hadda aad u fiicnaaday xidhiidhkii
iyaga (Somaliland) iyo Jabuuti., sidoo kale dawladda koonfur afrika ayey
hadallo dhiiri gelin ahi ka soo yeedhayaa.
Mudane kale oo isna la yidhaahdo John Barrett oo ka tirsan
xisbiga libaaraalka dimoqraadiga oo laga soo doorto magaalada Edinburugh ee
ku taal Scotland ayaa isna ka mid ahaa mudanayaashii ka hadlay qadiyadda
Somaliland, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Hadii dadka ku nool Scotland iyo
waqooyiga Ireland ay intooda badani isku raacaan inay aayahooda ka tashadaan
ma jirto cid u diidi kartaa, waana waxa ayey dadka reer somaliand xaq ugu
leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan, iminkana waxa keliya ee ay dadka reer
Somaliland dalbanayaan waxa weeye inay aayahooda ka tashadaan iyaga oo ku
sugan xuduud waqti dheer jirtay”.
Waxa kale oo ay mudanayaashaasi tilmaameen inay aragti qaldan
tahay in aqoonsiga iyo caawimada ay Somaliland u baahan tahay laga dhigo wax
ku xidhan mashruuca aan rajada lahayn ee dib u heshiisiinta kooxaha somaliya
ee ka socda Nayroobi, “Ma ahaa inay arinta Somaliland u dab-ranaato cid
kale oo aan somaliland ahayn” ayey yidhaahdeen mudanayaashaasi.
Mudane Andrew Robathan oo ka mid ahaa xubnihii baarlamaanka
Britain ee booqashada ku yimi Somaliland, kana tirsan xisbiga mucaaradka ee
qunyar socodka (Conservative) ayaa fadhigii doraad ee baarlamaanka Britain ku
saabsan qadiyadda Somaliland, qoraalkaas oo uu sheegay inuu u gud biyey
wasiirka arimaha debedda ingiriiska, wuxuuna mudanahaasi sheegay inuu
wasiirka arimaha debedda ingiriiska ka dal badday inuu dalalka ururka midowga
yurub (EU) ku dhiiri geliyo ama ku cadaadiyo inay aqoonsadaan Somaliland,
caawimona u fidiyaan.
Laakiin mudane Andrew Robathan waxa uu ku dooday inuu la
yaabay markii uu magaalada Nayroobi ku arkay dhiig-yacabkii Janaraal
Morgan oo ku jira hudheel ay dawladda Ingiriisku kharashka ka bixiso,
wuxuuna wasiirka deeqaha debadda u qaabilsan dawladda Ingiriiska oo madasha
fadhiyey ka dalbadday inuu ka jawaabo sababta ay dawladda ingiriisku lacagta
ugu maalgelisay dhiigyacabka Janaraal Morgan hase yeeshee Mr. Tony
Worthington oo ka mid ahaa xubnihii weftiga baarlamaanka Ingiriiska ayaa
isagu safka kaga jiray xubnihii ajandaha badka soo dhigay, waxaase madasha
lafteeda looga mahad naqay Mr. Tony Worthington, iyadoo looga mahad
naqay sidii uu ugu guulaystay inuu ajandaha ku saabsan Somaliland ee laga
dooday soo dhigo madasha fadhiga baarlamaanka.
Mr. Andrew Robathan waxa kale oo uu fadhiga baarlamaanka
ingiriiska ka jeediyey war bixin ku saabsan socdaalkoodi Somaliland, isaga oo
aad ugu dheeraaday sidii xiisaha lahayd ee loogu soo dhoweeyey Somaliland
iyo waxyaalihii ay ku soo arkeen, wuxuuna ku nuux nuuxsaday inay si weyn
dareenkooda u taabatay sidii la yaabka lahayd ee loogu dhoweeyey Somaliland
iyo raadadkii ku saabsanaa dadkii la xasuuqay sannadkii 1988 kii.
Mr. Andrew Robathan waxa uu dooddiisa ku darsaday inay la
yaab ku noqotay markii uu ogaaday in dhiigyacabkii janaraal morgan hudheel
Nayroobi ah oo ay lacagta jiifkiisa bixiso dawladda Britain, wuxuuna
mudanahani wasiirka caawimada debedaha ee dawladda Britain oo madasha
fadhiyey ka dal badday inuu jawaab ka bixiyo sababta ay dawladda Britain
lacag uga maal gelisay, isna halka dood ka jeediyey wuxuuna dooddiis axsaabta
Ingiriisku mawqif isku mid ah ka taagan yihiin carrabka ku adkeeyey inay
dadka reer Somaliland wax badan qabsadeen, xaqna ay u leeyihiin in la
aqoonsado si buu yidhi ay u helaa maal gelin caalami ah. “Aqoonsi la’aantu
waxay Somaliland ka horjoogsanaysaa maal gelinta uu dalku u baahan yahay”
ayuu yidhi Mr. Quentin Davis.
Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan caawimadda debedaha Mr.
Hillary Ben ayaa isna hadal ku saabsan ajandaha laga doodayey ee qadiyadda
Somaliland mahasahaa ka jeediyey, wuxuuna sheegay inuu xafiiskiisu soo
diyaarin doona barnaamij cusub oo ku saabsan siyaasadda ay dawladda Britain
ku waajahayso qadiyadda Somaliland, isaga oo sheegay inuu diyaarinta qorshaha
cusub ee ku saabsan arinta Somaliland wada tashi kala yeellan doono
mudanayaasha talooyinka ka bixiyey arinmaha Somaliland.
Mudanayaasha halkaa ka dooday waxay dooddooda gundhig uga
dhigeen inuu xalku yahay in Somaliland la aqoonsado, waxayna mudanayashu
halkaa ka sheegeen inay wasiirka aarimaha debeddda Somaliland ay u
qorsheeyeen inaay dood ka horjeediso fadhiga baarlamaanka ingiriiska marka
ugu horaysa ee ay fursada u hesho. Hase yeeshee sida ay sheegeen xogo u
dhuundaloola mudanayaasha baarlamaanka waxay mudanayaashaasi u ololaynayaan
sidii dalka Ingiriiska loogu casuumi lahaa madaxweynaha Somaliland Daahir
rayaale kaahin, iyadoo uu qorshahoodu yahay inuu madaxweyne Rayaale bisha
March ee fooddda inagu haysa yimaaddo dalka ingiriiska si uu khudbad uga
horjeediyo fadhiga baarlamaanka ingiriiska.
Muddo hadda laga jooga 44 sannadood waa markii u horaysay ee
arinta Somaliland la soo dhigo miiska doodaha ee baarlamaanka Ingiriiska
doodna lagaga yeesho, waxayna markan markii xigey ahayd bishii may sannadkii
1960 kii xiligaas oo baarlamaanka ingiriiska lagaga dooday ajande ay
xukuumaddu soo hordhigtay oo ku saabsanaa in Somaliland la siiiyo madax
banaanideeda ka qaadatay mustacmarkii ingiriiska 26-kii juun 1960-kii
laakiin sannadkii 1994-kii ayaa hal mar la baarlamaanka ingiriiska
fadhigooda la soo dhex dhigay ajande ku saabsan qadiyadda Somaliland, waxaana
soo dhigay Tony Worthington, balse inkasta oo uu arintaa baarlamaanku ka
hadlay, hadana may dood culus oo u dhiganta ama u dhow ba doodad arbacadii
doraar dhacday.
Doodad ay khamiistii doraad qadiyaadda Somaliland ka yeesheen
mudanayaasha baarlamaanka ingiriisku waxa qaban qaabadeeda iyo hal abuurkeeda
iska lahaa kooxdii mudanayaasha ahaa ee baarlamaanka Britain ee dabayaaqadii
jananweri 2004 socdaalka ku yimi Somaliland, kuwaas oo dareen iyo aragti
cusub kala guryo noqday Somaliland, waxayna gebagebadii socdaalkooda meel
badan kaga dhawaaqeen inay dawladooda cadaadis ku saari doonaan in Somaliland
la aqoonsado iyo in caawimo toos ah la siiyo dadka reer Somaliland, markaana
ay baarlamaankooda hordhigi doonaan wixii ay kala soo kulmaan socdaalkoodi
Somaliland iyo xaaladdii ay ku soo arkeen dadka iyo dalka Somaliland.
Waxayna taasi keentay doodad culus ee uu baarlamaanka
ingiriisku arbacadii doraad ka yeeshay qadiyadda Somaliland, halkaas oo ay
mudanayaashi doodad ka jeediyey si ba’an ugu nuux nuuxsadeen inay dawladoodu
aqoonsato Somaliland, deeq toos ahna u fidiso.
Doodad ay mudanayaasha baarlamaanka ingiriisku ka yeesheen
qadiyadda Somaliland.
Waxa si toos ah looga daawan karaa telefishinka
BBC-da Parliament
Channel axadda saadambe (8-2-2004) marka ay saacaddu tahay
8GMT ama 5 galabnimo.
abdifatah hassan
cabdifataax_96@hotmail.com
Hargeysa