SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHEEKO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 29, 2004

“Inaad isoo booqato ayaan rabaa.. aniga kuma soo booqankaro!”- Sheeko (Qaybtii 1aad)
Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Galab xagaa ah oo aad uqabow ayaa waxaa qayliyey telephoneka. Haddii aan kor uqaadey waa Abdullahi! Nacam Abdullahi!

Abdullahi wuxuu kasoo qalin jabiyey kuliyada sanadkii lasoo dhaafey kadibna waxaa kala go’ay xariirkanaga wixii kadanbeeyey.

Markii aan telephoneka qaadey oo aan maqley hadalkiisa ayaa xasuustey sida uu ahaa wajigiisa iyo jirkiisa dhalanyarada ahaa!

Iwaran Abdullahi? Nafta kawaran?” Codkii ayaa sii go’aya.

Abdullahi: “Ma ixasuusata Sheikh?” Ha sideen kuu hilmaama. Laakinse ilama sii qaadin hadalkii aan kutuurey. Ma muujin inuu diyaar uyahey inuu iga jawaabo kaftanka aan udhiibayay. Hase ahaatee, cod khafiif ah ayuu igu yiri: “Inaad guriga igu soo booqatid ayaan raba Sheikh… waa muhiim…aah… aniga ma awoodi inaan kusoo booqda! Hana iweydiin sababta aan kuu soo booqankarin! Marka aad timaadid ayaad ogaandoonta”

Cod ay kamuuqato tabardaro iyo murug ayuu kuhadlaya.

Jidka guriga loo maro ayuu ii tilmaamey kadibna sida aan usocday ayaan albaabka garaacey. Walaalkiis kayar ayaa albaabka iga furey; waxaan weydiiyey Abdullahi, wuxuu iisheegey inuu igu sugayo majliska. “Soo dhawow”

Ilmihii yara ayaa igu hogaamiyey majiliska.Markii uu furey albabka, waxaan arkay waxaan la argagaxo! Waa Abdullahi oo sariir cad saaran; waxaa dhinacyeelo qalabka kaga xiran lugta si’uu ugu socda iyo daawooyin. Naf ahaantiisa markaad eegtid ‘waa jir sariir lagu tuurey’.

Wuxuu igu yiri: “So dhawow Sheikh, marxabo” Isagoo iskudayay inuu ii istaago si’uu ii soo dhaweeyo.“Waan kusoo dhibnay ee naga raali ahow” Ayuu raaciyey.

Maya ima aadan soo dhibin. Cafwan! Aad iyo aad ayaan ugu xumahey ma’aanan ogeyn xanuunkaga. Waan kusoo booqanlahaa” Ayaan laabqaboojiyey.

“Maxaa kugu dhacay? Sidey wax kuu soo gaareen” Ayaan weydiyey.

Sidee laguu heley? Miyaadan kuliyadii dhameyn? Sow taad igu tiri waan guursanaya. Sow taad sidaas iyo sidaas ayaan sameynaya oranjirtey” Waxaan xasuusiyey arimo badan oo kutaamayey inuu kudhaqaaqo marka uu schoolka kabaxo.

Wuxuu ii sheegey inaay kudhaceen waxaan xisaabta ugu jirin. Wuxuu bilaabey inuu iiga sheekeeyo sida ay wax udhaceen; wuxuuna yiri:

“ Schoolka waxaan soo dhameeyey dhowr bilood kahor, sida aad ogtahey. Waxaa dareemey waxa ay dhalinyarada dareeman marka ay soo qalinjabiyaan ee farxad ah. Waxaan bilaabey noolal cusub. Waxaan lasoo kala baxay kitaabka mustaqbalkeyga. Waxaan bilaabey inaan bog bog ufuro waxaan horey hoosta ugu xariiqey ee riyooyin ahaa.Maalmihii faakiheysiga ayaa si dhakhsa leh udhamaadey.

Waxaa ii xigay inaan dareemo madax xanuun yar oo mar mar ah. Marba marka kadanbeysa ayuu sii kordha! Laakinse dawada madax xanuunka markan cunaba waa uu iska baabaya.

Markii aan mudo waday daawoyinka noocaan ahaa ayuu madaxayga iskala qabsadey ilaa aan markii danbe wax xasuusanwaayo xanuun dartiis. Aragii ayaa gaabiyey.

Habeyn ayuu xanuunka igu kordhay, waxaan aadey dhakhtarka qaybta amarjansiga(emergency section) anigoo ka sheeganaya madax xanuun, jirka oo idaciifaya iyo araga oo sii liita!

Dhakhtarkii markii uu ibaarey,ayuu igu yiri: “Waxaan ubaahaney X-ray heer sare ah. Taasna iminka lagama helo meeshaan sidaas darteed waa inaad aadid dhakhtar khaas ah; kadibna igu soo celisa jawaabta. Waa inaay noqota sida ugu dhakhsaha badan”

Dhakhtarkii ayaan kasoo baxay anigoo dhan cabsi ihayso dhana layaaban doctarka! Muxuu ii dhibayaa? Daawo yar oo madax xanuun ah muu isiiyo iyo daawo yar oo indhaha ah!

Waxaan bilaabey inaan nafteyda latashado: “Dhakhtarka waxa uu iga sugaya ma iska dhaga tira oo ma iibsado daawooyin madax xanuunka oo shan Riyal ah; kadibna inta aan guriga iska tago ayaan seexdaa!

Ama raajada ayaan keenaa oo aan fiiriya waxa ay natiijada noqota!

Ugu danbeyntii waxan go’aansadey inaan keeno. Waxaan keeney waraaq aanan fahmeyn waxa kuqoran oo lasocota raajada(x-ray)!

“Fadal Doctar, waa tana raajadii aad iga sugaysay” Inta okiyaalihiisa(eyeyglasses) gashaday ayuu bilaabey inuu gad-gadiyo sawirka iyo waraaqda lasocata…. Waxaa isbadaley wajigiisa….waxaan maqley isagoo leh: “Ina lillahi wainna ileyhi raajicuun” Kadibna inta kor ii soo fiiriyey ayuu iga codsadey inaan fariisto oo aan nasto.

“Kheyr insha’Allah”. Doctor “Kheyr insha’Allah”

Inbadan marka uu aamusnaa kadib ayuu telephone soo qaaday. Wuxuu laxariirey dhamaan dhakhaatiirta w/weyn oo dhan inaay sideg-deg ah uyimaadan. Daqiiqado kadib, waxaa isu soo aruurey 6 ilaa 7 dhakhtar. Mid kasta wuxu bilaabey inuu rog-rogo waraaqdii iyo raajadii! Waxaan kuwada hadlayaan luuqada Englishka. Isha ayey hoosta iga xadayaan inta ay fiirinayaan raajada!……

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

Qiso Xiisa leh: “Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”

» Caruurtan Hooyadood Waa Faranji!
»
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah
. “Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”
.
Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna   [Qabtii 2aad]

. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

. Yaa Sameeyay Diyaarad Matoor leh tii ugu horeysay?
.Nayjeeriya oo Hawada u Dirtay Dayaxgacmeed

.
Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada

.Cirbixiyeenkii Shiinaha oo Dhulka ku soo Noqday

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji

Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...


kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD