SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 19, 2004

Cabdulaahi Yuusuf fashilkaaga siyaasadeed kula saantiro Dagaalka Sool(Reer Soool ayakay jirtaa hadii waayeel ay ka dhamaatay ay u dhimanayaan)

Xasan Axmed Tooxow  
waziir@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Bidix ka bilow: Mauulid Man, Abdullahi Yussuf, Abdukassim Salat Hassan, Hussein Aided
(Sawirka AFP)


WARBIXIN: SHIRKII 9/1/4 ee SOOMAALIDA LOOGU QABTAY NBI

Marka hore waxaan ale ka baryayaaa in umada somaliyeed meel kasta oo ay joogto in uu xaqa fahamsiiyo marka xiga waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaaa websideyada ku howlan howsha saxaafadnimo eee xalaasha ah.

Intaas kadib waxaan rabaa in aan argtidayda kadhiibto guud ahaan xaalka uu kusuganyaahy dalka gaar ahaan xiisada kasoo cusboonaatay sool(Laas caanood).

Marka hore waxaan caydaynayaa in aanan dhinacna taageersanayn labda maamul ee xiriirika hoose la leh xabashida kuwaas waa maamuladaase aan ku sifayn karo in ay yihiin maamulo xaaraan kudhisan waayo hadii ay xalaal kudhisan yahay lama baxeen magcahaan aad ka u liita ee ay kadanbayso gacanta shisheeye.

hadaba qoraalkaygu wuxuu kusalaysan yahay hadii ale idmo labo arimood waa marka koowaade waxaan rabaa in aan kusifeeyo siyaasada cabdulaahi yuusuf eee mar kasta ku salaysan labo talaab dib u qaad halkii loo socday hasii fogaateeee marka labaad waxaan rabaa in aan reer sool uga digo raadka xun ee dagaalku ku reebi doono deegaankooda waayo waxaa layiri:-Labo dibi meeshii ay isku hertiso cawska ayaa ku dhib qaba marka mar kasta loosersku waaa reer sool marka ayaka ayay qusaysaa in ay dantooda gartaan iyo in ay soomalida dabakacaan oo la isku kobo ekaado waayo reer sool(Dhulbahante)marka aan xifaaltano waxay nagula kaftami jireen in ay ayaku ka nabad galeen dagaalada sukeeye oo aysan shaqo ku lahayn shisheeye iyo xabasho iyo wax daran sidoo kale waxay ku faani jireen in midnimada somaliyeed ay gacntooda kujirto ayakoo leh waxa hortaagan Somaliland oo aqoonsiga u diidan waa anaka hadii aan raacno midnimo warkeeda halkaas ayaa u danbeeya.

Hadaba aan ku hormaro Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo ah ninka ugu waayeelsan siyaasiyiin ku sheega maanta oo aan dhihi karno faciis Duge ayaa ka nool waa ruux sheegta in uu yahay siyaasi balse siyaasada somalida ayaa ah mid wareersan oo meel loo raaco lahayn waayo marka aad waydiiso raga saadaaliya siyaasada oo taqasuska u leh waxaay ku sheegaan ama ay kusoo hordhigayaan waaa sharaxaad aad iyo aad uga fog oo ka duwan waxa aay somalidu u taqaano siyaasad ama siyaasi.Sanadkii aan soo dhaafnay ayuuu macalin inoo dhiga maadada political scienceka ayuu i waydiiyay waxa ay somalidu u taqaaano siyaasad ama siyaasi markii aan u sharaxay waxa ay Somalidu u taqaano siyaasad ama siyaasi ayuu aad iiga fajacay waayo inkasta oo ay dadkaygu xun yihiin siyaasiyiinta somaliyeed badankoodna ay xun yihiin hadana diyaar uma ahi in xumaantu ay ogaato cid kasta oo aan ahayn somalia inkastoo walaal kale oo isku class nahay oo reer woqooyi Bari ah (Puintland oo si gaar ah u caayo reer xamar ka asigoo caydaasna u sharaxa macalimiinta Ajaaniibta ah marka waadba ka quusanaysaaa taageerayaasha cabdulaahi Yuusuf asigaba iska daaye) markii hore waxaan isku dayay in aan wax maldaho oo aanan si dhab ah aanan ugu sharaxin balse waxaan ku fikiray in wax kasta ay internetka kujiraan oo aan noqonaayo beenlow ceebta dadkayguna ay taalo jidadka sidoo kale walaalka aan isku classka nahay oo aan lahayn cadaw aan somali ahayn intaas ayaa igu kaliftay in aan si cad u sheego waxa saaxada somalida yaalo markaas waa macalinkiiye aad u yaabay oo uu rumaysan waayay markaas ayuu yiri waxiii ay yurub ku sugneed qarnigii 17aad ayuu dalkaagu kusuganyahay hada oo lagu jiro qarnigii 21aad.

Hadaba cabdulaahi denbi gooni ah kuma lahan in uu kamid noqdo siyaasiyiinta saaxada marka la fiirsho sida ay somalidu kusugantahay waxaase uu denbi gooni ah ku leeyahay oo uu dadka uga duwanyahay ayaa ah dagaalo laga huriyo deegaanada sida khaaska ah ugu dhaw ama uu isku xejiyo asigoo dantiisu ay kala wayntahay wax kasta sidoo kale wuxuu denbi kulkeeyahay oo uu uga duwan yahay asaagiis ayaa ah damiir xumo iyo somali nacayb waana taas mida uu uga duwanyahay raga kale ee ay siyaasada iskula jiraan waana tan kadhigtay in uu noqdo dameer Boog leh ama duge canbaar leh.

 Alxaaji Muuse Suudi iyo Cabdulaahi Yuusuf keebaa Siyaasad Fiican. Tooxow

Isbarbardhigidda Booqashada C/lahi yusuf iyo Muuse Yalaxaw C/Waaxid

WAA KUMA CABDULLAAHI YUUSUF???? XagarYare

RIYAALE....IYO RIYADIISA Asad asad

Mar sii horaysay oo ay kasoo wareegtay Bilo badan waa sanadkii horee ayaan ka qoray labo maqaal ooo aan isku barbardhigaayay cabdulaahi yuusf axmed iyo Xaaji Muuse Suudi Yalaxow mid wuxuu jawaab u ahaaa maqaal uu qoray qoraa layiraahdo Cabdi waaxid kaas ooo ahaa isbarbardhigii Booqashadii Muuse Suudi iyo Tii cabdulaahi Yuusuf.Sidoo kale waxaan qoray qoraal kale oo ahaa: Alxaaji Muuse Suudi iyo Cabdulaahi Yuusuf keebaa Siyaasad Fiican.

Runtii labadaas qormoodba rag badan ayaa si xun igu dhaliilay ragna waa igu amaanayn inta igu dhaliishay waxaa kamid ahaa taageerayaasha cabdulaahi Yuusuf oo aan u bixiyay wixii xiligaas kadanbeeyay Indhoolayaasha Cabdulaahi Yuusuf hadab Taageerayaasha ama indhoolayaasha cabdulaahi Yuusuf weerarkoodu kuma salaysnayn xigmad iyo redin ku qotonta xaqiiqda balse qoraalkoodu wuxuu ahaay hooyadaa was iyo wax kasii daran oo aanan sheegi karin waana taas mida igu kaliftay in aan indhoolayaal ku magacaabo waayo indhooluhu wax ayuu maqlaa waxse ma arko marka ayaku waxay maqleen in ay cabdulaahi isku tolyihiin balse ma arkaan xumaantiisa ma ma arkaan in uuu Sanaawe u adeego horayna uu ugu adeegi jiray mingiste Xayle Maryan hadana uu leeyahay ciidan shisheeye oo African ah wadanka hala keeno asigoo waliba leh ciidnkaas hala keeno Puintland ciidanka uu dalbanaayo waa southafrican,Ithoipian,kenyant iyo intii aidis qabtooo idil.

Wuxuu intaas ku darsaday in uu maanta ku danaysto reer Sool asigoo raba in dadka deegaankaas ee ala ka caymiyay dirirtii sukeeye ee meel kasta halakaysay in uu geliyo dagaal kale oo sukeeye ayakoo horayna ay ugu dhufatay Abaar aad u xun.

Sababta uu rabo in uu dagaal u geliyo deegaanka sool iyo reer woqooyi bariyoo idil ayaa ah labo arimood waayo waa uu ogyahay in uusan u babac dhigi karin Somaliland ooo dhinac kastaba kaga saraysa.

1-waa marka horee cabdulaahi wuxuu garbaduub ku haystay reer woqooyi bari oo idil asigoo laad ku dhuftay dowrkii shariifka ahaa eee Isimada reer woqooyi bari ee ku salaysnaaa nabad kuwada noolaanshaha iyo somali jacaylka asigoo weliba beryahaan bilaabay in uuu ka takhaluso isimadii soo jireenka ahaaa ee ay lahaayeen reer Majeertiinya taas oo uu uga golleeyahay in uusan bulshada dhexdeeda kasoo wejehin wax culays ah.Markii uu taas ku guulasytay oo isimadii kadhigay wax uu dilay wax uu bedelay,wax uu carte ku tilmaamay iyo wax uu karaamdii ka qaaday ayuu dareemay in reer lascaanood ay yihiin caqabada kaliyah ee kusoo wajahan markaas ayuu wuxuu diray ciidan aad u yar oo uu ku qabsaday Sool marka su,aashu waxay tahay yaa markii hore Sool ama Laas caanod haystay oo laga xureeyay? Sow reer Laascaanood ma ahayn ragiii Riyaale ka eryay Laascaanood? marka cid kasta oo garaad leh waa garan kartaa in reer laascaanood lagu bolotiigaayo ooo larabo baaba,ooda in laga dhigto jaran jaro oo halkaas la rabo in lagu soo ceshto tageeradii reer puintland kadib markii ay bilaabatay in ay hoos u dhacdo oo labadii meel timaadaba inkaarto cabdulaahi yuusuf iyo inta lasocota mida kale waa tan ay bilaabatay in Golaha Samatabixinta in ay Boosaaso iyo garaawe Raad ku yeeshaan marka si arimankaas uu uga baxsado iyo waliba fashilka kasoo wajahay shirkusheega xaaraanta ah ee kenya ayuu rabaa in uuu sool deb kashido oo markaasna uu kasoo baqo cararo oo arinta loo rogo Waaa wareey Yaaa koonbo ahooy Yaaa KabLalax ahooy Yaaa Daarood ahooy.Ujeedadu maahin in lascaanood lasoo celiyo hadii ay riyaale gacanta u gasho ee waaa in lagula saantirto fashilka wayn ee siyaasadeed ee soo taagnaa tan iyo Inqilaabkii Fashilmay ee dhacay 1979kii kaas oo u fahsilmay arimo hoose oo aanan rabin in aan xuso.

DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7 Diridhaba

Marka waa su,aale sow nasiib xumo maahin in reer sool dhimashadooda iyo barakacooda in lagu bolotiigo oo shaqsi ku danaysto iyadoon la fiirihayn danta danyarta iyo deganaanshaha deegaanka?

Runtii waa nasiib xumo somalida camimi doonta hadiii aan duco qabe u istaagin mida kale somalida waan aqaanaa oo qabyaalad iyo qurun ayay labugtaa rag ayaa soo qori doona waxa laascaanood iga galay balse waxaa hubaal ah in aan ka xigo cabdulaahi yuusuf iyo indhoolayaashiisa saaa dhib ku dhaco ayaanan la rabin waana dalkaygiii oo meeshii aan ku dhashay iyo meel kale oo magac somaliyeed ila wadaagta ayaan ii kala sukayn.

Baaq nabadeed oo ka yimid beesha Sool,Sanaag & Hawd ee Galbeedka Austaralia

Ku DHAMAAN ISIMADA DEEGAANKA
KU CUQAASHA/ CULIMAAUDINKA IYO DHAMAAN WAXGARADKA BEESHA

Ujeedo baaq nabadeed

Kadib markii uu na soo gaadhay dhacdooyin kii dhowaanahan ka dhacay deegaanka taasoo nagelisey walaac xoogleh.waxaa jaaliyada galbeedka australia ee beesha sool sanaag iyo hawd waxay isugu yimaadeen shir laxidiidha arintaas waxay na soo saareen qodobadan.
1) waxaanu si weyn udhiiri gelinaynaan waxgaradka beesha oo ay hogaaminayaan isimadu in ay uguntadaan in si shuruud la,aan ah loo joojiyo dhiig danbe oo ka dhex daata dadka ehelka ah.
iyo weliba derisyada wadadegan.
2) in khilaafaad ka jira oodhan loo hawl galo in si nabad iyo wada xaajood lagu xaliyo cidkasta oo hawshaa ku luglehna lala xidhiidho.
3) waxaanu taageersanahay in la ix tiraamo cid walibana u hoggaansanto rabitaanka dadka in tiisa badan ama dhanka ay dadwenuhu rabaan.

KA; Jaaliyada Beesha sool / sanaag iyo Hawd ee galbeedka Australia.

kala xiriir: Assad Hassan Saadle saadle5@hotmail.com
Jan 19, 2004

2-Arinta labaad cabdulaahi wuxuu rabaa in uusan weligiis lumin saaxiibadiis Tigraay asigoo raba in uu kula gorgortamo waxa uu kasamaynayo somalia waayo xabashidu waxay credit fiican siisaa had iyo jeer ruuxa si fiican debka shidan u holciya oo bansiin iyo gaasba kushuba marka waa taas mida uu rabo in uuu u galo dagaalka sool oo uusan awood u lahayn in uu si buuxda uga qayb qaato kolay hadii somali land Sool laga difaaco oo ay ba taas dhacdo waaa arin dib ugu laabaynasa dadka deegaanka oo waa laga yaabaa in taas lagu guulaysto balase waxaa habooon in reer laas caanood ay kaligood istaagaan oo ay iska difaacaan hadii ay gardaro uga timaado reer Somaliland laakiin waa laga haboon yahay in ay shaati wasakhaysan dhiigooda lagu dhaqdo ooo laga dhgto buundo looga gudbo bad aad u kacsan oo dabaasheedu aysan fududayn marka ayaka ayay khusaysaa sida ay arimankaas aan soo xusay ay uga gaashaaman lahaayeen.

Hadaba labada maamul waa laba maamul oo xiriir hoose la leh xabashida marka aan si buuxda u qaymeeyo waa labo aad u liidata waayo waxay garan la,yihiin nicmada eebeheey siiyay taas oo ah xiligaan in aysan jirin indho shisheeye eee kusoo jeeda waana sababta ay xamar ku dhaafeen marka laga hadlayo dhinaca nabadgelyada waayo salaadiinta xamar si kasta oo ay talaab u qaadeen xal waa keeni waayyeen waayo waxaa ale ku saliday calooshood u shaqaystayaal fara badan ooo shisheeye dabada ku haayo waana taas waxa xamar sidas ugalay arinteeduna aad ayay u adkaan doontaa hadiii aysan dadku fahmin calooshood u shaqaystayaasha shisheeye kalkaalka ah ee puintland iyo somaliland xamar wax gooni ah ma dheera. Balse labadan maamul ayaka ayaa meelaha dawarsanaya ayakoo leh war xamar dhibka aadku haysiin Shisheeyow wax naga siiya.Taasna waxaa daliil u ah hadii aan dhinaca puintland ku hormarno candulaahi yuusuf oo leh caalamku sida uu xamar u danaynaayo waa in uu inoo daneeyaa ciidamada shesheeyee waa in deeganka Woqooyi bari waa in lakeenaaaa halka reer woqooyi(Somaliland) ay leeyhiin (waar na aqoonsada hadii kale waxaad ogaataan caalamkow in hadii somalia is raacdo in ay xabashidu amnigeedu uu khatar gelaayo)hadalkaas mid aan iska dhahayo maahin ee waa hadalkii laga dhaxlay alaha u naxariisteee maxmed ibraahim Cigaal sidoo kale waxaa hadal kaas kasii daran yiri ninka layiraahdo Faysal Cali Dhurwaaa(waraabe) asigoo leh in wiilka hargaysa uusan fahmin karin wiilka muqdishow ku dhashay balse uu fahmi karo kan adiss ababa ku dhashay marka fiiri sida ay u warersan yihiin.

Ugu danbayntiii waxaan qoraalkayga ku soo gaabshay:-Aan isla aragno shaxda ay dheelayaan Cabdulaahi Yuusud iyo daahir Riyaale iyo sida ay reer laascaanood ay u fahmaan mida kale reer Sool ha ogaadaano iyo qabyaalad iyo qabiilba uusan rumaysnayn cabdulaahi yuusuf wayo hadii uu tolnimo yaqaano ma laayeen sedex boqol oo dhalinyaro wadaado ah ooo ay qaraabo yihiin asigoo leh waa argagaxiso mana dileeen seedigiis xaaskiisa ladhashay asigoo uga baqay in uu hugaanka puintland ku cariirsho mana dileen Caydiid ilkoxanaf waa caydiidkii reer laascaanood marka gabadhiii uuuu caydiid ilko xanaf ka geeriyooday waydiiya waxa uu yahay cabdulaahi yuusuf ama sidii howtul hamaj(DameerHUgay) ugu daata buhosha naareer ee ay shidayso xabasho iyo cawaanteeda (waa cabdulaahi yuusuf iyo Riyaale).

Wabilaahi towfiiiq

F.G.Fadlan cid ale iyo cidii diidan argtidayda fadalan jawaabteda hakusoo bayaaniso websidyada ee aniga ha ii soo dirina qoraal caytan ah.

mahadsanidiin

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com |Jan 19, 2004

 

Xaalada Magaalada Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka akhri warbixintii Asad Cadaani

YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec 14, 2002

BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa  

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12/2002
 

Bayaan ay soo saareen jaaliyada SSH ee Kuwiat
Annagoo ah Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag iyo Hawd in badan ayaanu   GUJI  12/12/2002

Jaaliyada dhulbahante ee w/america warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in GUJI  11/12/2002

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan Eldoret ayaa.. GUJI  8/12/2002

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood, kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha... GUJI  8/12/2002

DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com |Jan 19, 2004

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD