SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 29, 2004
 WARARKA SOOMAALIDA EE MAANTA 29/3/04
  • Ciidanka Isbaheysiga oo markale dagaal ku soo qaaday Xaramka
  • 10 qof ayaa dhimatay, 15 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka Xaramka
  • Nairobi: Beesha caalamka oo ka shiray dagaaladda Jubba.
  • Sheekh Aadan Madoobe: Majiraan cid si gaar ah xil iiga qaadi karta
  • Itoobiya oo Xuduuda Soomaaliya Ciidan Keentay

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhimatay, 15 kalana dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii Dagaalo Qaraar ay shalay Galinkii dambe ka dhaceen Deegaanadda Dhaay tubaabko iyo Xaramka oo ka tirsan Gobalka Jubbada Dhexe.

Dagaaladan oo la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wararka qaar waxay Sheegayaan in Khasaaruhu uu intaasi ka badan yahay, iyadoo wararkii ugu dambeeyayna ay sheegayaan in dagaalku uu mar kale Saaka Waabarigii bilawday,

Dagaalkan oo salka ku haya aano qabiil ayaa waxa uu sababay inay deegaanadaasi marti u noqdaan Maleeshiyooyin Beeleedyo, Waxaana gabi ahaanba Xaramka iyo Deegaanadda ku dhaw dhaw ka barakacay dadkii rayidka ahaa ee deegaanadaasi deganaa,

Ciidamadda Isbahaysiga Dooxadda Jubba oo uu horkacay Taliyaha Ciidamadda Isbahaysiga, Goobaale ayaa lagu soo waramayaa inay ku soo jeedaan Aaga uu dagaalku ka dhacay, Waxaana ay qorshaynayaan inay ciidamo kala dhex dhigaan labada Maleeshiyo ee isku haysata Xaramka.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa deegaanka Xaramka waxay ahayd Goob Colaadeed, Waxaana isa soo taraya cabsida laga qabo inuu go’o jidka isku Xira Gobaladda Jubbooyinka iyo Muqdisho,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com garyare@msn.com
Muqdisho, Soomaaliya

<><>

Wakiiladda beesha caalamka oo saakay ka shiray dagaaladda ka jiro Goboladda Somaliya ,iyagoo shirkooda kadib Aqriyay Qoraal uga yimid Dooxadda Jubba.

Wakiiladda beesha Caalamka,Gudoomiyaha shirka Kiblaget, safiirka Uganda u joogo shirka ayaa saakay shir saacado Qaatay ku yeeshay Hotelka Grand Regancy Ee Magalaadda Nairobi.

Shirka beesha caalamka ayaa saakay looga hadlay dagaaladda soo noq noqday ee ka socdo goboladda Soomaaliya gaar ahaan ka jubooyinka , beesha caalamka iyo IGAD ayaa saakay Aqriyay Qoraal uga Yimid dhinaca Maamulka Dooxadda Jubba kaas oo lagu sheegay in dagaaladda ka socdo degaanadda xaranka aysan waxba kala socon maamulka dooxadda jubba balse uu dhexmarayo beelaha shiikhaal iyo tunni.
waxaa kale oo qoraalkaas lagu sheegay in dhibaatooyinka ka taagan wadada isku xirto mudul baraawe ilaa kismaayo uu ka dambeeyo C/qaadir luga dheere oo maleeshiyadiisa ay dhac iyo boob ku hayaan gaadiidka halkaas isagga goosho.

Sidoo kale kulanka maanta oo loogu yeeray hogaamiyayaal farabadan waxaa su,aalo lagu weeydiiyay Gudoomiyaha USC/PA oo laga codsaday inuu faahfaahiyo sababaha ka dambeeyo dagaaladda degaankaas iyo qaabka loo dego halkaas.

C/Qaadir luga dheere ayaa sheegay in dagaaladda halkaas ka socdaa ay salka ku hayaan maleeshiyooyin ka soo jeedo gobolka galgaduud, wuxuuna in uu dagaal u dhaxeeyo tuni iyo shiikhaalisagoo sheegay inay yihiin dad walaal ah oo isku degaan ah.

Beesha caalamka ayaa Lugadheere ka dalbatay inuu soo gudbiyo qoraalo cadeeynaya xaaladda dhabta ah ee degaanka.

Si kastaba ha ahaatee arrintaan ayaa ku soo aaday xilli warar madaxbanaan aya sheegayaan in C/qaadir luga dheere iyo Max,ed dheere ay iska kaashanayaan duulaano ay ku qaadaan gobolo ka tirsan jubooyinka ,iyo xilli C/qaadir luga dheere uu safar ugu ambabaxayo dhinaca dalka itoobiya oo ay saaxiib yihiin.

Dahir Abdulle ALasow Nairobi kenya.
asoj@hotmail.com 
Associates of somali Journalists
Nairobi, Kenya

<><><>

Ciidanka Isbaheysiga oo markale dagaal ku soo qaaday Xaramka iyo dad rayida oo lagu dilay dagaalkaas.

Sida aanu ka helnay ilo muhiima oo ku dhow dhow isbaheysiga dooxada Juba, waxaa markale dagaal uu xalay ku dhexmaray ciidanka isbaheysiga iyo ciidanka beesha Shiikhaal.

Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka gedisan yahay dagaalkii maalindhaweedka dhacay Xaramka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan isbaheysiga waxaa ciidamo tekniko ku hubeysan in ay ka soo socdaan Baraawe iyo Kismaayo oo la filayo in ay ku soo biiraan ciidanka isbaheysiga dooxada juba ee halkaas ka dagaalamaya.

Dhinaca kale wararka aanu ka helnay tuulooyinka Galgal’gaabo iyo Gal’shiikh oo u dhow Xaramka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dadkii shicibka ahaa ay bilaabeen ineyka qaxaan tuulooyinka ku teehsan Xaramka, kadib markii ay ciidamada isbaheysiga ee halkaasi yimid ay bilaabeen in ay dil iyo kufsi iyadoo intaasina ay u dheertahay ceelashii oo maanta lawada xiray.

Gudoomiyaha dhinaca siyaasada ee Beesha Shiikhaal Md.Maxamed Xusen Cadow ayaa u digay sidoo kale isbaheysiga dilka aan kala sooca leheyn waa sida uu hadalka u dhigay ee ay ku hayaan dadka ku abtirsada beeshiisa, waxaa kale oo uu sheegay hadii ay joojin waayaan dagaalkaas lagu kufsanayo haweenka iyo ceelasha la burburinayo isbaheysiga waxaan anagana sameyndoonaa buu yiri dhacdo aan hore looga maqal Soomaaliya oo dhan.

Wariye:Cabdi Cali-London
said_ahmed@hotmail.com

Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji

» M.DHEEROOW WAXAAD LA DAGAALAMEE DAD MAAHANE WAA DIINTA DAA'IMKAA (Ra'yi) D.F.Kulmie... GUJI

<><><>

WARARKA KALE EE MAANTA 29/3/04

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Wararka naga soo gaaraya deegaanka is maamulka soomaalida ee Itoobiya, ayaa waxa ay sheegayaan in dowlada Ethiopia ay xuduuda soomaaliya u soo dirtay ciidamo aad u hubaysan oo tiradoodu ay kor u dhaafasyo Kun Askari,

Ma cadda illaa iyo hadda sababta ay Ethiopia xuduuda Somalia oo aan Nidaam lahayn u soo dhoobtay Tiro intaa le’eg oo ciidamo ah, Laakiin Warar hor dhac ah oo laga soo xigtay Askarta Ethiopia ayaa sheegaya inay sugayaan Ammaanka Xuduudaha Ethiopia,

Qaar ka mida Ciidamadan ayaa la xaqiijiyay inay gudaha u soo galeen Xuduuda Somalia, waxaana ka mida deegaanadda ay saldhigyada ka samaysteen Ceel Barde iyo Feer Feer,

Goob joogayaal ku sugan Ceel Barde ayaa sheegay inay qal qal wayn galiyeen Ammaanka Ceel Barde iyo deegaanadda ku xeeran Joogitaanka Ciidamadan, Wuxuuna sheegay inay soo kordhayso Cabsida laga qabo in Bay iyo Bakool ay ka dhacaan Dagaalo Sokeeyo, iyadoo ay suuragal tahay in marka uu dagaal bilowda ay ciidamadan Ajanabiga ahi lug ku yeeshaan,

<><><>

Sheekh Aadan Max’ed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay inaysan sharci ahaan Xilka Guddoomiyanimadda ka qaadi Karin Xaabsade iyo Xubnaha Kale ee Baydhabo ka sheegay inay Doorteeen Hogaan Cusub,

Sheekh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in aysan jirin cid isaga si gaar ah xil uga qaadi karta, isla markaana uu weli yahay gudoomiyaha ururka RRA-da ee garabka ka soo horjeeda Col. Shaatiguduud.

Sheekh Aadan waxuu sheegay in isagu aysan xilka u dhiiban shaqsiyaad, sidaas darteedna uu isku dayi doono inuu saxo kuwo xilka ka qaaday isaga,

Hadalka Shiiq Aadan Madoobe ayaa soo baxay xilli cabsi wayn laga qabo In Gobaladda Bay iyo Bakool ay ka dhacaan dagaalo Sokeeye oo sababi kara barakac iyo Khasaaro baaxad leh,

<><><>

Kulan ay dhawaan ku yeesheen Magaaladda Dubai, Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, iyo Imaaraadka Carabta, Atto Seyoum Mesffin iyo Shiiq Xamdaan Bin Rashiid Al-Makhtuum ayeey iskula soo qaadeen Arrimaha Somalia iyo sidii looga bad baadin lahaa Shirka Soomaalida Fashil ku yimaada,

Kulanka labada dhinac oo ahaa mid looga hadlayey xiriirka labada dowladood ee Itoobiya iyo Imaraadka Carabta, ayaa waxaa si gaara leys kula soo qaaday arrimaha murugsan ee Soomaaliya gaar ahaan shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee Kenya oo bilahan danbe dowlada Itoobiya ay u keyd mid Xagal Daacinaysa,

Wasiirka arrimaha dibada ee Dalka Itoobiya Atto Mesffin ayaa waxa uu u sheegay dowlada Imaaraadka in Itoobiya ay ku dadaaleyso sidii loo soo afjari lahaa dhibaatooyinka Soomaliya ka taaganaa 13-kii sano ee la soo dhaafay isla markaana ay taageereyso sidii looga mira dhalin lahaa shirka dib uheshiisiinta soomaalida

Labada dhinac ayaa waxaa ugu danbeyntii ay isla meel dhigeen ka sokoow sii xoojinta xiriirkooda dhinaca siyaasada iyo dhaqaalaha, in arrimaha soomaaliya sidii wax looga qaban lahaa ay taageeraan. Isla markaana gacan ka gaystaan sidii Natiijo wax ku ool ah ay uga soo bixi lahayd Shirka Kenya,

Cabdul Majiid Xuseen oo Geeriyoodey

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Muqdisho, Somalia

WARARKA MUQDISHO 27/3/04
»DKM oo cambaaraysay Go’aankii Xijaab manuuca ee Maxamed Dheere
»5qof ayaa ku dhintay dagaal ka bilowday Xaramka ee Jubbooyinka
»Hogaan Cusub ayaa maanta loo Magacaabay Jabhadda RRA
Dhammaan ka akhri halkan....

Masaajidda Muqdisho Oo cambaareeyay Go’aankii uu Maxamed Dheere ku mamnuucay Xirashadda Xijaabka Indha Shareerka:
»Isbitaal  Loogu Magac daray Istarliin Oo Laga Furay  Guriceel
»Aadan Saransoor oo sheegay inay ka hortagayaan Moorgan
»Dad Soomaali ah oo ku dhintay Saxaraha u dhaxeeya Libya iyo Sudan
»Daahir Riyaale oo sheegay inay qabteen rag ka tirsan Al_Qaacidda
Dhammaan ka akhri wararka Muqdisho ee maanta 26/3/04

WARARKA MUQDISHO 28/3/04
»Shaatiguduud: Waxba igama Khuseyso Xil ka Qaadista  Sh.Aadan
»Faah faahin: Dagaalkii  Tuulada Xaramka ee Degmadda Jilib
»Walaal laga muujiyey Soomaali lagu daadiyey saxaraha  Libya
»Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta oo dib loo dhigay,
»Iddaacada Iyo Talafashinka STN  Hirgaliso Telefeshin Caalamiya
Dhammaan ka akhri halkan.... 28/3/04

. Yaa Sameeyay Diyaarad Matoor leh tii ugu horeysay?
.Nayjeeriya oo Hawada u Dirtay Dayaxgacmeed

.
Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada

.Cirbixiyeenkii Shiinaha oo Dhulka ku soo Noqday

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji

Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...


kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD