SomaliTalk  DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 30, 2004

 WARARKA MAANTA 30/03/2004

  • Masuuliyiintii uu xabsiga ugu taxaabay Maamulka Maxamed Dheere oo xaaladooda laga dayrinayo
  • Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo ku kala qayb san Jawaabta Maxamed Dheere
  • Ciidamadda Isbahaysiga Dooxadda Jubba oo la wareeegay Xaramka:
  • Baarlamaanka DKG oo doodaya ka mid noqoshadda Baarlamaan Afrika:
  • Bush gaashaanbuurta Nato kusoo dhoweeyey Wadamo Cusub.

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com  garyare@msn.com garyare20@yahoo.com

Ciidamadda Isbahaysiga Dooxadda Jubba oo la wareeegay gacan ku haynta Deegaanka Xaramka:

Ciidamadda Isbahaysiga Dooxadda Jubba ayaa la wareeegay gacan ku haynta Deegaanka Xaramka oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen Maleeshiyooyin Beeleedyo isku haysta gacan ku haynta Xaramka iyo Dhaay Tubaako oo ka tirsan Gobalka Jubbada Dhexe,

Ciidamadan oo ku hubaysnaa Gawaaridda Dagaalka ayaa dagay aagagii ay isku haysteen Maleeshiyooyin Beeleedyo, Waxayna ku qasbeen labadii Maleeshiyo ee iska soo horjeeday inay ka baxaan Magaalooyinka dadka rayidku dagan yihiin,

Goobaale oo horkacayay Ciidamadaasi ayaa sheegay inay waddaan qorshayaal ay doonayaan inay isku soo hor fariisiyaan Odayaasha Labada Maleeshiyo ee dirirtu u dhaxayso, WUxuuna sheegay inay ku rajo wayn yihiin inay nabad ku soo dabaalaan Gobalka oo maalmihii la soo dhaafay ay haraysay Colaad,

Mar la waydiiyay Goobaale Tallaabada ay qaadayaan haddii ay ku guul daraystaan inay isi soo hor fariisiyaan odayasha labada dhinac waxa uu sheegay inay adeegsan doonaan Awood isla markaana ay hubka ka dhigi doonaan Labada Maleeshiyo ee iska hor imaadku u dhaxeeyo,

Xaramka iyo Dhaay Tubaako oo maalmihii la soo dhaafay ay haraysay Colaad Sokeeye ayaa waxaa ku dhintay in ka badan Soddomeeyo Qof iyadoo tiro kale oo intaa ka badana ay ku dhaawacmeen,

Dagaaladii Shalay ka dhacay Xaramka

<><><>

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo ku kala qayb san Jawaabta laga bixinayo Go,aanka lagu mamnuucayo Indhashareerka

Iyadoo uu dhawaan Mamnuucay Hogaamiye Kooxeedka, Maxamed Dheere Xirashadda Indhashareerka ayaa waxaa soo ifbaxaysa in Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ay ku kala qayb san yihiin Jawaabta laga bixinayo Go,aanka lagu mamnuucayo Indhashareerka,

Dariiqadda Diiniyadda Ahlu Sunna Wal Jameeca oo markii ugu horaysay ka hadashay go’aanka uu Maxamed Dheere ku mamnuucay Xirashadda Indhashareerka ayaa afhayeen u hadlay waxa uu sheegay inaysan wax dambi ah u arkin tallaabadda uu Maxamed Dheere ku mamnuucay Niqaabka ay xirtaan Haweenka Muslimiinta ah,

Shiiq C/risaaq Yuusuf Aadan oo madax ka ah dariiqadaasi ayaa ka sheegay Muqdisho in indhashareerka uusan ogayn Aayad Faral Yeeshay, sidaas darteedna qofkii mamnuuca uusan u arkin inuu qalad galay, Wuxuuna sheegay in Alle uu qurankiisa ku sheegay inay dumarku xirtaan Xijaab, laakiin aysan jirin Aayad qeexaysa in dumarku ay indhaha qarsadaan, isagoo sheegay in qofkii meel ka dhac ku tilmaama go’aankii Maxamed Dheere uu isago meel uga dhacay Diinta ISlaamka,

Shiiq C/risaaq waxa uu jawaab kulul ka bixiyay hadal ay dhawaan ka soo saareen Muqdisho qaar ka mida Culumada caanka ah ee Somalia kaasoo lagu sheegay in Maxamed Dheere uu ku gaaloobay go’aankii uu indhashareerka ku mamnuucay, Wuxuuna sheegay inay dambi wayn tahay in qof islaam ah oo qiraya Towxiidka lagu tilmaamo Gaal, isagoo ciddii ku tilmaantana sheegay inay iyadu gaaloobayso,

Hadalka dariiqadan Ahlu Sunna Wal Jameeca ka soo baxay waxa uu astaan u yahay kala qaybsanaanta Culumadda Soomaaliyeed,

Maxkamadaha Islaamiga ah oo Qoraal Ka Soo Saaray Mamnuuciddii Indho-Shareerka ee Maxamed Dheere

Maxamd Dheere oo Ka Hadlay Mamnuucidii Indh-Shareerka Ka dhegeyso waraysigii Idaacada Bosaso.. Guji....

Masaajidda Muqdisho Oo cambaareeyay Go’aankii uu Maxamed Dheere ku mamnuucay Xirashadda Xijaabka Indha Shareerka:

<><><>

Qaar ka mida Masuuliyiinta Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha oo horay uu xabsiga ugu taxaabay Maamulka Maxamed Dheere ayaa xaaladooda laga dayrinayaa,

Wararka laga helayo Jawhar ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Shiradda Isgaarsiinta Hormuud iyo Towfiiq Nation Bank oo Maalintii saddexaad ku xiran Xabsi ku yaala Jawhar ayaa xaaladooda caafimaad laga dayrinayaa, Waxaana ay ehaladda Masuuliyintaas oo la soo xiriiray STN sheegeen in lagu xiray Masuuliyiinta labada shirkadood xabsi nadaafadiisu ay aad u liidato, iyadoo sidoo kalana lagu xiray qol ay ku xiran yihiin Dad akhlaaqdoodu aad u liidato,

Ehaladda dadka xiran oo codsaday inaan Magacyadooda la isticmaalin ayaa sheegay inay kala hadleen Maxamed Dheere inuu dadkoodu ku soo daayo si shuruud la’aan ah, laakiin waxa ay sheegeen in haddii aysan bixin ganaaxa uu ku soo rogay Masuuliyiinta xir xiran ay dhici doonto in la labo jibaaro lacagaha laga rabo,

Dadka la xiray ayeey ka mid ahaayeen Ibraahim Xaaji Cadoow oo wakiil uga ahaa Jawhar Shirkadda Xawaaladda Towfiiq Nation Bank iyo C/raxmaan Aadan Tooxoow, oo madax ka ahaa Xafiiska Hormuud ee Jawhar iyo nin la shaqaynayay oo magiciisa lagu soo koobay Al-Acraabi,

Masuuliyiinta labadan shirkadood ayuu waydiistay Maxamed Dheere inay bixiyaan Lacago cadadkeeda lagu sheegay 121,000,000 Sh So ah taasoo shirkad walba gaarkeeda looga rabo, wuxuuna ku eedeeyay labadan shirkadood inaysan ruqsad ka haysan Maamulkiisa,

Horay ayuu Hogaamiye Kooxeedka Maxamed Dheere uga mamnuucay Jawhar in haweenka Islaamka ah ay qaataan Indhashareerka, halka raggana uu ka mamnuucay Cimaamadaha oo ah Astaan lagu yaqaano Ragga Muslimiinta ah, iyadoo sidoo kalana uu amray inaan lagu dhex wadi Karin deegaanadda uu ka taliyo Gawaaridda Muraayadaha Beensalka ah leh.

Labada shirkadood ee la xiray Shaqaalahooda iyo Maamulka Maxamed dheere ayaa wali aan ka hadlin arrintan, laaakiin saddexda dhinacba waxay qireen jiritaanka Xariga Masuuliyiintan,

<><><>

Baarlamaanka DKG oo doodaya ka mid noqoshadda Baarlamaan ay Yeelato Afrika:

Iyadoo Somalia aysan ka qayb galin Shirkii ay ku Yeesheen Addis Ababa Baarlamaanadda Afrika ayaa maanta Baarlamaanka Ku Meel Gaarka ah ee Somalia waxa uu ka doodayaa ka mid noqoshadda Baarlamaan ay Yeelato Afrika,

Kulankan oo ka socda Xaruntii Hore ee Xisbiga Hanti Wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed oo imminka Xarun Ku Meel Gaar ah u ah Baarlamaanka Somalia ayaa looga doodayaa Sharciga ka mid noqoshadda Baarlamaan ay yeelato Afrika, Waxaana ay Xildhibaanaddu ka dhiiban doonaan Fikaradahooda ku aadan sida ay u arkaan Baarlamaan uu Afrika yeesho,

Axmed Abroone Amiin oo ka mida ku xigeenada Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in xildhibaanadda ay hor yaalaan Maanta dukumintigii ka mid noqoshadda Baarlamaanka Afrika oo si rasmiya uu Baarlamaanka u soo gaarsiiyay Xoghaynta Baarlamaanadda Afrika, Wuxuuna sheegay in Marka ay sharci ahaan goluhu u ansixiyaan Dukumintigaas ay u gudbin doonaan Baarlamaanka Afrika,

Ka doodista Sharcigan ayaa timid xilli aysan Somalia ka qayb galin Shirkii Baarlamaanadda Afrika, kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Mustaf Muqtaar Guudoow loo diiday ka qayb galka shirkaasi oo ka socday Addis Ababa, iyadoo tallaabadaas is hortaaga ahna ay samaysay Dawladda Ethiopia oo dagaal Diblumaasiyadeed kala dhaxeyso Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee uu Madaxda ka yahay, C/qaasim,

<><><>

Bush oo Soo dhoweeyey todobada waddan ee cusub ee ku soo biirey gaashaanbuurta Nato.

Madaxweyne Bush ayaa si niyad sami ah oo ay ku dheehantahay ku soo dhaweeyay Aqalaka Cad todobada waddan ee cusub ee ku soo biirey gaashaanbuurta Nato.

Waxana hubanti noqotey in halkaas lagu diiwaan galsho taariikhda cusub ee gaashaanbuurta Nato oo gaartey is-ballaarintii ugu weyneed ee ururku ebed gaaro tan iyo markii la aas aasay,.

Sida uu Bush u dhigey, markii gaashaanbuurta Nato la abuurayey, waddamada todobada ah ee hadda ku soo biirey Nato oo kala ah Bulgaria, Estonia, Lithuania, Latvia, Romania, Slovakia iyo Slovenia waxa ay ahaayeen wakhtigaas kuwa maxbuus u ahaa imbaraadooriyad, haddase waxa ay gaashaanbuurta Nato ku biireen iyagoo xubna buuxa ka noqdey oo leh xuquuq la siman tan ay leeyihiin kuwii horey ugu jirey.

Waxa uu Bush sheegey in xubnaha cusub ee Nato ay awood siisey dib u habeeyntii ay dalalkooda ka soo sameeyeen markii ay soo hayeen dhabihii u ogolaadey iney ka mid noqdaan isbaheysiga Nato.

Waxa kale uu Bush yiri, ku soo biirista waddamadani cusub waxa ay Nato ka dhigtey mid ka xoog badan intii ay ahaan jirtey.

Bush waxa uu hoosta ka xariiqay in Argagixisaddu aysan kala dhan taali Karin Nato, Wuxuuse qiray in maalmahan dambe gaashaanbuurta Nato ay la soo daristay Xaalad qalalaase diblomaasiyadeed oo ku saabsan Ciraaq iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com  garyare@msn.com garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk | Muqdisho | Maarso 30, 2004

Habeenkii ugu Dambeysay Noloshiisa Sh. Axmed Yaasiin

WARARKA SOOMAALIDA EE 29/3/04
»Ciidanka Isbaheysiga oo dagaal ku soo qaaday Xaramka
»10 qof ayaa dhimatay, 15 waa dhawac dagaalka Xaramka
»
Nairobi: Beesha caalamka oo ka shiray dagaaladda Jubba
»Sheekh Aadan Madoobe: Majiraan cid xil iga qaadi karta
»Itoobiya oo Xuduuda Soomaaliya Ciidan Keentay
Dhammaan ka akhri halkan... Guji 29/3/04

WARARKA MUQDISHO 28/3/04
»Shaatiguduud: Waxba igama Khuseyso Xil ka Qaadista  Sh.Aadan
»Faah faahin: Dagaalkii  Tuulada Xaramka ee Degmadda Jilib
»Walaal laga muujiyey Soomaali lagu daadiyey saxaraha  Libya
»Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta oo dib loo dhigay,
»Iddaacada Iyo Talafashinka STN  Hirgaliso Telefeshin Caalamiya
Dhammaan ka akhri halkan.... 28/3/04

WARARKA MUQDISHO 27/3/04
»DKM oo cambaaraysay Go’aankii Xijaab manuuca ee Maxamed Dheere
»5qof ayaa ku dhintay dagaal ka bilowday Xaramka ee Jubbooyinka
»Hogaan Cusub ayaa maanta loo Magacaabay Jabhadda RRA
Dhammaan ka akhri halkan....

Masaajidda Muqdisho Oo cambaareeyay Go’aankii uu Maxamed Dheere ku mamnuucay Xirashadda Xijaabka Indha Shareerka:
»Isbitaal  Loogu Magac daray Istarliin Oo Laga Furay  Guriceel
»Aadan Saransoor oo sheegay inay ka hortagayaan Moorgan
»Dad Soomaali ah oo ku dhintay Saxaraha u dhaxeeya Libya iyo Sudan
»Daahir Riyaale oo sheegay inay qabteen rag ka tirsan Al_Qaacidda
Dhammaan ka akhri wararka Muqdisho ee maanta 26/3/04

. Yaa Sameeyay Diyaarad Matoor leh tii ugu horeysay?
.Nayjeeriya oo Hawada u Dirtay Dayaxgacmeed

.
Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada

.Cirbixiyeenkii Shiinaha oo Dhulka ku soo Noqday

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji

Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...


kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD