SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

December 16, 2003

SOMALILAND WAA BUUR BUURTANA DABAYSHU MA RUXDO, jawaab qoraalkii Fahad Yaasiin

liban samatar dhammal /Amen Bulhanwaggarr1955@hotmail.com 
ama Maxamad Cali weerarw@hotmail.com 

Salaamu calaykum wa raxma.

 

Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray Laascaanood oo si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood Asad
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare

Mid ka mid ah biibiilayaasha ka sanqadha saxaafada Soomaaliya ayaa dhawaan wuxuu ku soo qoray meesha uu leeyahay ee uu Somalitalk ula baxay, maqaal ku sheeg uu isu maleeye in uu ka caqli badin karo dadka uu wax u qoraayo.aniga oo huba in aanay kolay socdaalkaa uu ku tagay Somaliland waxba ka bedelayn wixii ku qufolnaa,oo ay u soo qorshaysnayd wixii uu ku qori lahaa Site kiisa xasadka iyo cadaawadu buuxisay ayaa wuxuu ku tagay somaliland socad raad gadasho iyo basasnimo isugu jiray .socdkiisa oo ujeeda badan lahaa,waxaa ka mid ahaa inuu yidhaa waxaan soo ogaaday in shacbiga Somaliland doonayaan somaliwey( laakinse sidii dhalaankii qururaxa loo karinaaye isku sasabayaan magaca Somaliland),iyo in aan waxba ka jirin xasuuqi uu Afweyne u gaystay dadkaa,waxyaalaha kale ee u qarsoonaana Illahayba og.

Ninkaasi oo la yidhaa Fahad Yaasiin wuxuu tifatire u yahay Websiteka Somalitalk oo ku talaxtagtay cayda ,xasadka ,beensheega iyo habaarka Jamhuuriyada Somaliland,wuxuu sitekaasu kulmiye canaasiirta ay ka midyihiin hadhaagi Afweyne, dhafoorqiiqi, Qaar yidhaa waxbaanu Xabashi dhul ka xoraynayna oo qayb weyn ku lahaa burburkii Somaliyadii xijaabatay iyo kuwa Somaliland u dhashay oo uu Cabdilahi Yusuf marin habaabiye.

DABCIGA IYO TAARIIKHDA ARAGTIDA KA DANBAYSA ‘SOMALILAND’ IYO WAXYEELLADEEDA:

OOHIN YAXAAS


SOMALILAND XAQ MA U LEEYIHIIN INAY KA GO'AAN SOMALIYA

Waxaa hadaba layaab leh ninkaa masuulka ka ah Websiteka Somalitalk ee maanta isdhuubya sida uu ugu ogolaaday bogiisa qoraalada anshaxa iyo usluubtaba ka arradan ee uu ka mid ahaa kii ay qoreen kuwa isku magacaabay XARUNTA DIRAASADKA GEESKA AFRIKA,,.... oo aan hubo in ay Islaanimada kaga baxeen waxa ay ku hadlaayeen hadii aanay ka toobad keenin,sow uma eeka inuu ka mid yahay ururkaa lana qabo qudhunkaa ay walaaqanayaan,xoriyatal qowlkuna xadbuu leeyahay uu garan karo qofkii wax isku falaya .hadaba sideebay niyada shacabka Somaliland uguba soo dhici karta iskada isutag oo, in ay agmaraanba dadka masuulka ka ah Siteka iyo kuwa wax ku soo qoraba.
Wuxuu qofkaasi qoraalkissi ku bilaabay sidan """ Bishii 8aad ee sanadkan ayaan booqday halkii W/galbeed aanu u niqiinay"""" meel kalana wuxuu qoray """waxaan booqday Boorame ,Barbara ,Burco.""".

Suaasha meesha soo galaysa waxay tahay hadii aad ayo tihiin ??? sow iskama cadda inuu dad gaar ah oo ay magacaa isla yqaanaan u waramaayo,waxayse runta aanu qofkaasi beenin karin tahay in goboladaas uu tagay la odhan jiray Awdal,w/galbed(Hargaysa), iyo Togdheer,laakinse waxaa ka muuqtaa sheekadiisa in qorshaha magac bixintiisa soo jiray sirna u ahaa dadka qaar,markii dambe ee Somaliland tashatayna afka laga galiya UN TA iyo saxaafada Caalamka oo caroogyada ay kamid yihiin IRIN,BBCda, Wakaaladaha wararka qaarkood ay socodsiiyiin arinkaa.laakin Ilaahay amarkiisi soconwayday.

Ninkaasi wuxuu raba oo kale inuu ku khawaysiiyo kuwa rumaysta xashiishkiisa uu qoro in Mudane Faysal Cali Waraabe ku kali yahay mayal adayga guni isutaaga Somaliland ,wuxuu meel kaga dhacay mihnada saxaafada markuu xusi waaye in mudane Faysal u codeeyeen kumaankun qof,kuwaasi iyo qaar badan oo kale oo asxaabta kale u codeeyba way ka sii xag jiraan Faysal cali waraabe.

Wuxuu qoray """Madaxweynahu waxa uu ahaa DHALANTEEDKAN ka hor sarkaal ka tirsan nabad sugida oo caawin jiray dagaalyahanka SNM""" waxaa halkaa ka cad inuu weli liqi kari la'yahay dhabta ah in Somaliland dawlad tahay,waxaan meesha qaban sida meel uu dhalanteed ku sheegaayo inuu hadana nidaam ,kala dambayn iyo shicibka oo amarka u hogaansan ka markhaati furo.MA DHALANTEED AYAA WAX NIDAAMIYA.
Markuu ninkaasi dhex mushaaxaaye sheeko baralaydiisa wuxuu iswaydiiye su'aasha ah """ ma runba in gobladaasi uu goostay '''' wuxuu isugu jawaabay """' Marka la iska ilaawo dawakhinta warbaahinta Somaliland,iyo dano gaarka madaxda siyaasada waxa shacabka dhab ka ah soo celinta calanka Soomaaliyeed"""" marka hore suxfi ma ihi oo u hadlimaayo saxaafada Somaliland inkasta oo aan ogahay in aanay isku shuqlin,iskuna lurin,waqtina iskaga lumin la yooyootanka warbaahinta hinaasaha iyo xasdka ku qotonta.wuxuse ninkaasi murankiisa ku saleeye khayaal uu maskaxdiisa ka samaystay oo ahayd aqoonyahan Somaliyeed ayaa iiga sheekeeye dhacdo nacnacdan ku dhamaatay ''SOMALILAND WAA BEER,BEERNA QADADA LAGU SUGA"

Somaliland waa Beer. Beerna hilibkaa lagu sugaa Fahad

Ninkaas hadii u saxafi yahay waxay ahayd sidii la arki jiray inuu maykarafoonkiisa qaato oo magaalada la dhexmaro oo uu waydiiyo dadka ra'yigooda,waa dhab inuu heli lahaa qaar yidha Somaliweyn ayaanu doonayna oo horeba shirki carta Suldaan iyo siyaasiyiiniba way ka qayb gashay oo taasi wax sir ah maaha ,laakin waxaan huba in qaar badani makarafoonka kaa kala jebin lahaayeen.muhimada kale ee socdaalkiisa uga jeeday waxay ahayd inuu hoos u dhigo waxyeeladii Afweyne iyo qoxooti ku sheego dadkaa u gaysteen,iyo inuu isbarbar dhigo xasuuqi habaysnaa ee askarta Afweyne,jabahada Somali galbeed halka wadeen iyo dagalkii sokeeyeee 1994.

XASUUQII LOO GAYSTAY SHACABKA SOMALILAND

xasuuqa --taalada loo dhisay--- iyo sidii Afweyne u maamulay iyo xadiga khasaare ee naf iyo maalba lihi idinkuna aydaan dhaadayn waa sababta u weyn ee aan dadkaasi mar kale masiirkooda gacanta u gelin karayn cadow aan naxayn. Markii aan akhriye midhkan kale """dadka ay ku wayntahay midnimada Somaliya waxaan ugu BUSHAARAYNAYA ineysan dhici doonin Somali oo kala go'da Illahay idinkiis""" waxaan xasuustay maqaal adiga laguu nisbeeye oo af carabi kuqoran oo aan intan ka soo qatay.

Hadaba markaad asxaabtaada u bushaaraynaysay miyaad ilowday wuxuu Somalida Madaxweynahaasi ugu bushaareye ee aad adigu ka soo werisay.Anigu ma ihi faalaye,cilmulqaybkana Ilaahayba og, ee intii awalba idin la socotay oo qaarkood toobad keeneen mooyaanay wallay kaa tahay cid kale oo aad hunguraysa.
Nabad galyo

liban samatar dhammal/Amen Bulhan: waggarr1955@hotmail.com 
ama Maxamad Cali weerarw@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Dec 16, 2003

»NIN AAN KUU HIILIN DOONIN YAANU KU HODIN! [Daahir]
»HAN WEYN IYO HIBO YAR! [Shaafici]
»RAAFKA SOMALIDA IYO GABAYGA RAAFKA RIYAALE EE SL  [Dirir]
»Qiyaadadoon, Qabiildoon, Qalindoon VS Qarandoon [Moallim]
»JAMHUURIYADDA DHAAN DABAGAALE [Hagi]
»NIMAAM HADLIN HOOYADIIS QADISAY [Xasan Dhooye]
»CIIDAMADA SL EE AAGA GALBEED OO AMAR LA SIIYEY [Diridhaba]
»MAANSO TAAGEERO [C.Botan]
»ALLA MA ANIGAA NASIIBKAAS LEH ( DIO MIO!) [Eelay]
»Maxay ku salaysantahay siyaasadda Soomaalidu [C/waaxid]
»RIYAALE MAKAGA DHABAYN KARAA HANJABAADIISA [M.Farah]
»Midnimo Soomaaliweyn: Halka helintaankeedu ka dhowyahay [Cige]
»Hanjabaadda Ina Rayaale Kaahin!! [Cawl]
»ARAGTIDA CAALAMKA IYO REER SOMALILAND [Pilot]
»S.N.M : Xinifbaaba loo Kordhiyay iyo Xoorrimaadee! [Iid]
»UJEEDOOYINKA MAGACYADA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYEED
»IS QURXINTA DUMARKA: QARASH BEEL IYO QURUX BEEL [Fahad]
» Faalo: Dekanada aad Dhitaysataad Dhami Doontaa! [Gaal-eri]
» Waraysi Madaxweynaha Jabhadda WXO  [Dhagayso]
FALALKA FOOSHA XUN EE KURDLAND
[Ahmed Sheekh]


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]