SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Co.cabdulahi Yusuf muxuu ka qabtey Amniga iyo Horumarka Puntland ? 

W/Q: Mohamed Ali farah
m_alishiino@hotmail.com

Ilaah baa mahad leh naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato   neebigeenii suubanaa ( S.c.w )

Ugu horeen waxan mahad gaar ah usoo jeedinayaa bahwaynta somalitalk.com

Tan iyo markii ay burburtay Dowladii dhexe ee Somaliya waxaa soomaaliya guud ahaan soo food saaray dhibaatooyin farabadan haba u badnaatee koonfurta somaliya , wadanka waxaa ka bilaabmay dagaalo sukeeyo kaas ilaa iyo maanta dhibaatadii ka bilaabatay wadanka xalkeedii la la’yahay, 

Si kastaba ha ahatee waxaa ka badbaaday burburkii ka dhacay wadanka Gobolada qaarkood, gaar ahaan Gobolada ay ka koobantahay Dowlad Goboleedka Puntland ,goboladaas oo caan ku ah nabad iyo kala danbeen taas ku timid shacabwaynaha Puntland oo ah dad nabada jecel , 

Dowlad Goboleedka Puntland waxaa la asaasay sanadkii 1998dii ,kadib markii waxgaradka , siyaasiinta iyo isimada Puntland ay go’aansadee in inta xal loo helayo dhibaatada wadanka ka taagan ay sii samaystaan dowlada goboleed iyaga u gaar ah ,taas  ujeeda u wayn ay ahayd ee loo dhisay amniga iyo hor u marka Puntland . 

Hadaba akhriste su’aasha waxa ay tahay Co.Abdulahi yusuf muxuu ku soo kor dhiyayay amniga iyo hor u marka Puntland ? 

Ka hor dowlad gobleedka inta aysan yeelan Puntland waxaa ka jirey gobolada Puntland kala danbeen , Ganacsi furan (free business) ay dhamaan bahwaynta soomaliyeed ay ka ganacsadaan , gudaha Puntland  

Teegeerayaasha Co.ka ayaa waxa ay ku doodaan Cabdulahi baa Puntland Nabad ka dhigey marka ay ka hadlayaan wax qabadkisa . dadka reer Puntland waxa ay ku hanweenaayee  in ay helaan kala danbeen iyo horumar  laakiin nasiib daro Co,ku waa ka soo bixi waayay masuuliyadii iyo xilkii ay u dhiibteen shacabwaynaha reer Puntland , Co cabdulahi Yusuf  waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee ka  bilaaba Puntland xabad iyo xasilooni la’aan , ka gadaal  markii uu ka bilaabay dagaal Puntland dhexdeeda kaas oo waaya arag  ay uyihiin dad waynaha reer Puntland dhibaatadii iyo bur burkii ka soo gaaray , 


Col. C/Lahi Yusuf vs Prof. Cali Khaliif

Taas waxaa ka sii darnayd Markuu yiri Puntland baa  argagixiso ku joogtaa  aduunwaynaha oo dhan ka dhaadhiciye ,  xiligaas oo Puntland qarka u fuushay in loo duqeeyo sida Afghanistan , iyo Iraq oo kale . aduunka lama arag nin sheeganaya masuul oo dhibaata usoo jiidaya wadankiisa  aan Co.cabdulahi ahayn ,  

Dhinaca kale Co.cabdulahi yuusuf waxa uu si toos ah u hor istaagay hormarka Puntland isaga oo hor istaagay Investment lagu samayn lahaa Puntland , mawaadiniin badana ka hor istaagay in ay wadanka horumar ka sameeyaan , tu saale ahaan , waxaa loogu deeqay magaalada ganacsiga Puntland Bossaso Airport (madaar) ay ugu deeqday Dowlad Emirate ka carabta kaas uu si toos ah u hor istaagay . safarkiisii ugu danbeeyay hada uu ku tegay  Puntland waxa uu joojiyay Nadwo (muxaadarooyin)  cilmi ah oo ka socotey masjidka Ramadan ee magaalada Galkacyo  , taas oo tusaale u ah in uu maalinta danbe dheho Masaajidda hala xiro waayo hadii uu joojiyay Muxaadaradii waxaa aynu sugnaaba waa taas , taas waxaa ka sii daran Lacag falis ah oo uu soo samaystey taas oo sababtey in sicirka dolarka uu kor u kaco ,dadka ay ku adkaato nolol maalmeedkii ama sicir barar (Inflation)

 Ugu danbeen waxaan u soo jeedinaya dadwaynaha Reer Puntland in ay ka tashadaan aayahooda iyo sidii ay horumar iyo hogaan wanaagsan ay u heli lahaayeen ,

Wabilaahi Towfiiq

W/Q: Mohamed Ali farah
m_alishiino@hotmail.com

.Prof.Cali Khaliif Galayr V/s Co. Cabdulahi Yusuf

.RIYAALE MAKAGA DHABAYN KARAA HANJABAADIISA?

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: August 4, 2004

»Luqadaha Adduunka iyo Heerarka ay Soo Mareen
»
Mahad Celin kusocota Culimadii Nadwada Ku Qabatay Gaalkacayo
»Taada ma Yeele; Tiisa kuma Meel Mare; Tuu Sameeyo kuma Gefto
»SOMALILAND WAA QARAN EE MA AHA DIR  [Samatar]
»XUKUN: Maqaalkii Shaafici
»Qaran qabiil lagu qaybsanayo 61*4+31=275  [Xasan]
»Maxkamadaha Islaamiga ah-Aragti {C/waxid bukuraale]
»CIRAAQ HA DAYSO AFDUUBKA, CAYR-SE NINKUU RABO HA.
»SHAN WAJILAYAAL BAA KU MARAN SHACABKII FIICNAA [guji]
»Soomaali xal madoonaysaa? [Nuur Laambad]
»Nadwooyin fara badatay iyo culumo kalaqaysan [kaneec]
»soomaaliyeey kitaabku kitaabkii ma yahay [Xasan] 
»IS LUG JIIDKA BEELAHA,&WAQTIGOYNTA IGAD [Garaad]
 

»MA AKHRISEY MAQAALKII SHACTIROOLAHA? [Faysal ]
»Guuldaraddu waa aqbaladda waxqaybsigii Shirkii Carta [Koronto]
»
Hoogaha, yaa la Harti ah [C/Waaxid]
»Nadwooyinka Diinta islaamku ma noqon doonan Halbeega Hagaajinta
»Hadaad Dowlad Heshaan Diinta hala Dagaalina [C/lahi]
»
DHIBAATOOYINKA LOO GEEYSTO GAARI GACANLEEYDA SOM..
»Hantida shaqeysa (maaliyada) [Dayib]
»TOLOW TOOKADAANNA YAA ORAN DHEESHU FIIG MA LEH [Abu Sami]
»Maxaa lagu nacay Gen. Barre? oo loo rabaa  Col. C/llahi iyo Riyaale
»Baryo iyo baqdin [Shaafici] Jawaab Qoraalkii Fahad ee C/Qasim
»Emaaraadka Iyo Baasaboorkii Somalida [Cawl]
ISKA ILAALI  !  WAA HABDHAQAMEEDKII SOOMALIYEED [Awes]

»
Tigidhada Cadaabta Lagu Tago oo Qaaliyoobeen
»
Khatarta Internedka iyo Caruurta
»AKHRI:: Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii
»
Gunaanadka Qawaniinta Taariikhda iyo Gafka Soomaali [Jeenihaar]
»C/hi & Xasan: intii Cali Carta ka Helay baan Rabnaa! [C/waxid]
 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD