SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

YAAN DOORANNAA QARAN IYO QABIIL!!?

(Qaran waa dhise; Qabiilna waa burburiye)

Qore: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com 

Agoosto 4, 2004

Laga soo billaabo maalintii la riday xukuummaddii millatariga ahayd ee uu hor kacayay Maxamed Siyaad Barre oo ku beegnayd 26-kii Jannaayo 1991-kii, waxaa dadka ku soo badanayn madaxnimo jacaylka iyo isla doonista wax alla iyo wixii fiican ama la doonista haddii u isagu waayo ruux ay xigto yihiin. Haddaba ma la dhihi karaa waa arrinta keliya ee ina hortaagan muddada 14-ka sano ah?.

Haa…!! ayaan anigu qoraa ahaan oran lahaa, waayo laga soo billaabo 1991-kii waxaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed loo qabtay shirar ka badan 14-shir, waxaana marqaati aad ka tihiin maanta in shirarkaasi ay noqdeen kuwo aan miro dhal noqon, waxaana xagal daaciyay Qabiil iyo Qabaliyiin [Kuwa jecel qabiilka].

Somali Peace Conference in Djibouti

Shirarkaas oo lagu qabtay waddamada ay ka mid yihiin Jabuuti, Itoobiya, Masar iyo Kenya oo hadda uu ka socdo kii 15-aad, kaasoo uu fadhigiisu marayo 22-bilood ama 1-sano iyo 10-bilood la iskuna maandhaafayay muddadii ay shirarkaasi socdeen laba arrimood oo kala ah:

Hoggaamiyeyaasha ka qaybgalay wuxuu mid kastaahi doonayay inuu isagu noqdo hoggaamiyaha loo dhiibo talada dalka, isagoo ku andacoon jiray inuu yahay hoggaamiyaha maanta mudan inuu hoggaamiyo Soomaaliya; maadaama uu dalku magan u yahay dagaallo sokeeye.

Sidoo kale Hoggaamiyaha intaas oo dhan sheegtay haddii uu noqdo midka waayay waxa uu ka doorbidi jiray in Hoggaamiyaha kale ee ay dad ahaan isku xigaan uu yahay midka geli kara booska uu waayay, haddii kalena wuxuu ku baaqi jiray inuu shirka ka baxayo dalka uu ka hurin doono dagaallo kale oo lagu hoobto.

Daniel Arap Moi addresses the Somali peace conferenceLabadaan qodob ee aan soo xusnay waxay qayb xoog leh ka qaateen in dalka uu ku sii jiro dhibaatooyin isugu jira Jahli, Gaajo, Cudurro iyo dowlad la’aan muddo ka badan 14-sano, haddana waxaa muuqata in uu magan u sii ahaan doono dalku dagaallo sokeeye oo lagu hoobto inta beesha caalamku gardaadinayso kuwii shacabta ka galay dambiyada iyo naxariis darrooyinka isugu jira; Dilalka, Kufsiga, Afduubyada, Caga juglaynta iyo kuwo kale oo fara badan.

Haddaan in yar booqanno shirka ka socda dalka Kenya waxaad ka garan kartaa in uusan waxba dhaamin; dhaamina doonin shirarkii isaga ka horreeyay ee ka dhacay dalalka dariska ah, waxaana kuu caddeyn kara hadallada is dhaafdhaafka ku dhisan ee ka soo baxaya Mas’uuliyiinta shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Kenya oo ay ka mid yihiin IGAD, Erayga dowladda Kenya u magcowday Shirka Ambassador Mohamed Abdi Afey, Ergayga Dowladda Talyaanigu u magacowday isla shirka Kenya iyo Midowga Africa (AU)-da.

TNG prime Minister Hassan Abshir Farah

Waxaa la filayay in 30-kii July lagu dhawaaqo golaha baarlmaanka ku meel gaarka ah oo ay u dhan yihiin xubnihiisa, waxaana uu Maxamed Cabdi Afeey sheegay dhawaan in lagu dhawaaqi doono xubnaha golaha baarlamaanka 30-ka July; isla markaana aanan loo xayirnaan doonin qolyaha weli ka caga jiidaya inay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqon lahaa baarlamanka cusub ee Soomaaliya, hadalkaase wuxuu noqday mid aan lahayn sal iyo raad.

Dhammaan shirarkii loo qabtay Soomaaliya waxay ahaayeen kuwo uu qabiil hor kacayay, waxaad maqlaysaa inta uu socdo shirka in Qabiil hebel uu saluugay tirada xubanaha uga qaybgalaysa shirka ama xubnaha uu ka helay maamulka lagu dhisayo shirkaas, sidaas daraadeedna ay diideen xubnihii loogu talo galay shirka inay ka qaybgaal inay sii wadaan wada hadallada ka socda madasha shirku ka socdo oo ay qaadaceen, haddaba, waa yaabe qabiil haddii uu wax qaadaco qaranna waa see xaalkiisu?.

TNG Prime Minister Hassan Abshir Farah

Waxaan xusuusannaa in shirarkii loo qabtay Soomaaliya kii ugu wanaagsanaa uu ahaa kii Carte Jabuuti ka dhacay 1999-kii, isna waxaan maqlaynay habeen iyo maalin waxaa shirka ka baxay Qabiil hebel iyo qabiil hebel, waxaana kaaga sii daran in shirku uu u hakanayay Qabiil, marka maba ila ahan ilamana ahayn in shir Soomaali loo qabtay ay ka soo bixi karto dowlad lagu nasto inta Qabiilka la Cizeeyo ama uu shirku u hakanayo.

Shirka Kenya haatan ka socda waxaa cad in qabiil uu u xanniban yahay maanta oo uu la dhaqaaqi la’yahay, taasina waxay noo caddeynaysaa in weli qabiilku uu leeyahay geeso iyo awood uu ku maquunin karo Qaranka, inta Qaranka Maquusan yahayna yaan la sugin dowlad ka dhalata Somalia.

Ogaada Soomaaliyeed Qaran waa dhise, Qabiilna waa dumiye.

Waxaa Qoray: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: August 4, 2004

»Luqadaha Adduunka iyo Heerarka ay Soo Mareen
»
Mahad Celin kusocota Culimadii Nadwada Ku Qabatay Gaalkacayo
»Taada ma Yeele; Tiisa kuma Meel Mare; Tuu Sameeyo kuma Gefto
»SOMALILAND WAA QARAN EE MA AHA DIR  [Samatar]
»XUKUN: Maqaalkii Shaafici
»Qaran qabiil lagu qaybsanayo 61*4+31=275  [Xasan]
»Maxkamadaha Islaamiga ah-Aragti {C/waxid bukuraale]
»CIRAAQ HA DAYSO AFDUUBKA, CAYR-SE NINKUU RABO HA.
»SHAN WAJILAYAAL BAA KU MARAN SHACABKII FIICNAA [guji]
»Soomaali xal madoonaysaa? [Nuur Laambad]
»Nadwooyin fara badatay iyo culumo kalaqaysan [kaneec]
»soomaaliyeey kitaabku kitaabkii ma yahay [Xasan] 
»IS LUG JIIDKA BEELAHA,&WAQTIGOYNTA IGAD [Garaad]
 

»MA AKHRISEY MAQAALKII SHACTIROOLAHA? [Faysal ]
»Guuldaraddu waa aqbaladda waxqaybsigii Shirkii Carta [Koronto]
»
Hoogaha, yaa la Harti ah [C/Waaxid]
»Nadwooyinka Diinta islaamku ma noqon doonan Halbeega Hagaajinta
»Hadaad Dowlad Heshaan Diinta hala Dagaalina [C/lahi]
»
DHIBAATOOYINKA LOO GEEYSTO GAARI GACANLEEYDA SOM..
»Hantida shaqeysa (maaliyada) [Dayib]
»TOLOW TOOKADAANNA YAA ORAN DHEESHU FIIG MA LEH [Abu Sami]
»Maxaa lagu nacay Gen. Barre? oo loo rabaa  Col. C/llahi iyo Riyaale
»Baryo iyo baqdin [Shaafici] Jawaab Qoraalkii Fahad ee C/Qasim
»Emaaraadka Iyo Baasaboorkii Somalida [Cawl]
ISKA ILAALI  !  WAA HABDHAQAMEEDKII SOOMALIYEED [Awes]

»
Tigidhada Cadaabta Lagu Tago oo Qaaliyoobeen
»
Khatarta Internedka iyo Caruurta
»AKHRI:: Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii
»
Gunaanadka Qawaniinta Taariikhda iyo Gafka Soomaali [Jeenihaar]
»C/hi & Xasan: intii Cali Carta ka Helay baan Rabnaa! [C/waxid]
 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD