SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - YURUB
Press release

Unitedkablalax Networks

Ref: united/143-pol/k

Date: 28 Aug 02

Awoodda iyo kalsoonida shacbiga reer Puntland oo burburiyey shirqoolladii Kooxaha sharka iyo argagaxisada qaawan.

Golaha guud ee midnimada iyo iskaashiga beesha Kablalax Daarood-unitedkablalax networks- oo ah xudunta kulmisa,iskuna xirta xubnaha iyo jaaliyadaha ku abtirsada beesha Kablalax Daarood ee dibadda iyo gudaha dalka, waxaa nasiib wanaag ah in uu martiyo barnaamij si cilmiyaysan loo soo diyaariyey oo ka kooban dood ballaaran iyo wada hadal ku qotoma saraaxad iyo is qadarin hufan.

Barnaamijkaasi oo ku dhamaaday guul weyn, is afgarasho wacan iyo goáanno si wada jir ah loogu heshiiyey, waxaa qabanqaabadiisa iyo agaasinkiisaba lahaa, si loo wada bogeyna uga soo shaqeeyey labada guddi oo kala ah guddiga maamulka iyo guddiga odayaasha ee golaha unitedkablalax Networks.

Waxaa nasiib wanaag ahayd in halkaasi si qoto dheer oo ku qotonta aqoon,waaya aragnimo, cadaymo taariikheed iyo dhaqameedba loogu lafa guray xaaladda guud ee Soomaaliya ( Marxaladda maanta iyo afafaalaha mustaqbalka), wadciga gaarka ah ee ay ku sugan yihiin deegaannada beesha Kablalax iyo sidii loo sii xoojin lahaa midnimada dhinac kasta iyo iskaashiga dhammaan arrimaha saldhigga u ah jiritaanka iyo horumarka beesha. 

Baaq Kasoo baxay G/J/Hoose
Baaqaan oo ay ku saxiixnaayeen 17 qof kuna socdey ururka horumarinta G/J/Hoose waxa uu kubilaabmay. GUJI... 27/8

Barnaamijkaasi qiimaha badan waxaa sharaf weyn noo ah in ay ka qayb qaateen dad aqoon fog u leh, in badanna ku soo noolaa arrimahaasi aan kor ku xusnay.

Waxaa guud ahaan la isku afgartay in beesha Kablalax Daarood oo baaxad deegaan iyo tiro dadba ka mid ah qawmiyadaha ugu waaweyn kuwa geeska Afrika, isla markaasina ah qawmiyadda ugu ballaaran dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay marayso marxalad taariikhi,xasaasi ah, sababtaasi awgeedna ay lama huraan tahay in la helo qorshe adag oo siyaasadeed, dhaqan-bulsho,dhaqaale iyo ugu sarrayn in si xoog badan la isugu geeyo dhammaan awoodaha maadiga ah iyo kuwa macnawiga ahba ee uu eebe si gaar ah ugu nimcaystay beesha.

Waxaa la isla wada arkay in maanta ay beesha hortaallo  siyaasad cadawtinimo iyo colaad naxariis daran oo ay si bareere ah ugu cadaysteen kooxo liddi ku ah jiritaanka beesha iyo karaamadeeda. Kooxahaas oo ku heshiiyey xaqdarro,xasuuq dad rayad ah, burburin hanti,boob deegaanno iyo khayraad dad kale iyo xadgudubyo joogto ah oo xattaa aan la dhaafin caruur,haween iyo waayeel aan haba yaraatee wax denbi ah galabsan.

Kooxahaasi oo aan haba yaraatee wax tixgelin ah u hayn xeerarka xaquuqda aadamiga ee u dhigan bulshada caalamka, waa kuwa aannu u naqaan in ay ku sifaysan yihiin kooxaha  sharka iyo argagaxisada qaawan ahna: eedaysanayaasha kooxda Carta, iyo taliska ina Cumar Geelle ee xasarad doonka ah ee Djibouti iyo weliba kooxo kale oo hunguri-raac ah oo ay ku adeegtaan kuna fushadaan danahooda iyo hawlaha sharka ee ay ku bahoobeen.

Dhibanaha shacbiga Soomaaliyeed marnaba kama badbaadin dhibaatooyinka ay sababeen kooxahaasi, waxaanuse hadda iyo horeba ognahay in ay masuul ka yihiin dhimashada iyo dhiigga xad dhaafka ah, mawjadda aan degin ee qaxootinimo iyo guud ahaan rafaadka iyo kadeedka haysta muwaadinka Soomaaliyeed.

Haddaba iyadoo arrimahaasi oo dhan la fiiriyey,lagana wada faalooday waxaa si wada jir ah loogu heshiiyey goáannadan iyo talooyinkan hoos ku qoran iyo in sidoo kale lala socodsiiyo saxaafadda iyo qalabka warbaahinta casriga ah ee Soomaaliyeed (Internet). 

  1. Golahu-Unitedkablalax Networks- wuxuu soo dhoweyn,taageero iyo ka qayb qaadasho weynba siinayaa shirweynaha dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee la filayo in uu ka furmo dalka Kenya dhowaan , waxaanuna rajaynaynaa in uu noqdo mid dhaliya qaran soomaaliyeed iyo guul waarta oo ay higsadaan shacbiga Soomaaliyeed.
  2. Unitedkablalax Networks, waxuu uga digayaa shacabka Soomaaliyeed -waana waajib ina wada saaran- in ay ka gaashaantaan siyaasadda madow, shirqoollada,beenta iyo sunta khatarta ah ee ay kula dhex dhuumanayaan kooxihii aanu kor ku soo xusnay iyo hunguri-raacoodu.
  3. Unitedkablalax Networks, oo nasiib wanaag u yeeshay in uu ku hadlo codka iyo aragtida malyuunno u dhashay beesha Kablalax Daarood, wuxuu si buuxda u soo dhoweynayaa,diyaarna u yahay wada shaqayn iyo xoojin hindise iyo barnaamij kasta oo Soomaaliyeed oo daacad laga yahay sidii dib loogu soo celin lahaa qarankii Soomaaliyeed, loona soo dabaali lahaa nabad,cadaalad iyo horumar dhinac kasta oo u suganta dadweynaha Soomaaliyeed.
  4. Unitedkablalax Networks, waxaa si cad uga goán in aanay marnaba suurtagal ahayn, balse ay tahay denbi (Jariimo xun) aan denbi dhaaf lahayn in si toos ah ama dadbanba loogu gorgortamo,loo dayaco ama looga tanaasulo hal taako oo ka mid ah ciidda deegaannada beesha Kablalax Daarood gaar ahaanna deegaannada ilaa iyo haatan xaqdarrada ku maqan ee Gobolka Jubbada Hoose.
  5. Unitedkablalax Networks, wuxuu diyaar u yahay abaabul iyo u ololayn wax kasta oo loo huri karo sidii dib loogu xorayn lahaa deegaannada beesha ee Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan, iyo suurto gelinta awood kasta oo lagu fulin karo ujeedadaasi sharciga ah.
  6. Unitedkablalax Networks, wuxuu si kulul u cambaaraynayaa cid,koox,maamul iyo awood kasta oo isku dayda-amase ay la ahaato sidaasi - in ay colaad,khilaaf iyo kala fogaansho ka dhex aloosto walaalaha qabiil weynaha  Daarood Ismaaciil ee wadaaga wada dhalasho aan dhayal ahayn, sidaasi oo kalena waxaannu ku boorinaynaa dhammaan walaalaha Daarood Ismaaciil in ay u hawl galaan sidii ay u adkayn lahaayeen midnimadooda, iyaga oo keliyana ay u taalo sidii ay si nabadgelyo iyo wada hadal xadaari ah ugu xallin lahaayeen wixii is-afgaran waa  iyo muran yaal dhexdooda, hase ahaatee aanay marnaba u ogolaan kuwo qalaad in ay ka dhex faaiidaystaan, isuguna dhiibaan wax kasta oo ay ku waayi lahaayeen awooddooda dadnimo iyo sharaftoodaba.
  7. Dhinaca gobollada woqooyi ee Soomaaliya, waxaannu u nastiixaynaynaa maamulka ina Riyaale in aanu sii qaadin tubtii iyo qaladaadkii uu reebay ina Cigaal oo uu shanta kala baxo,carabkana ka haysto sheegashada deegaannada Sool,Sanaag iyo degmada Buuhoodle oo ah deegaanno Kablalax Daarood ,sharci ahaanna hoos yimaada maamul gobolleedka Puntland ee Soomaaliya.Waxaannu uga digaynaa maamulkaasi in uu isku koobo sharka uu abuurayo hal sanduuq ama saxaaradna aanu u soo qaadan deegaannadaasi xilliga uu qabsan rabo doorasho beenaadka uu damacsan yahay dhowaan,haddiiba ay dhacdo in uu dhegaha ka cufaysto,dhayalna u qaato digniintan waxaanu haddaba u sheegaynaa in uu keligiis masuul ka noqon doono wixii khasaare nool iyo moodba ah ee ka yimaada,beesha kablalax Daaroodna ay adeegsan doonto awood kasta oo reebta xanuun baán oo aan dhammaad lahayn.
  8. Waxaannu si buuxda oo xooggan u garab siinaynaa,soo dhoweynaynaa tallaabo iyo qorshe kasta oo ay dawlad gobolleedka Puntland aragto in ay munaasib,lagama maarmaan tahay in ay kaga hor tagto damaca iyo siyaasadda xasaradda ah ee maamulka ina Riyale ee ku saabsan Deegaannada Beesha ee Sool,Sanaag iyo degmada Buuhoodle.
  9. Unitedkablalax Networks, wuxuu hambalyo iyo taageero walaaltinimo u gudbinayaa shacbiga reer Puntland, geesinimada aan la inkiri karin ee ay ku burburiyeen dhammaan shirqoolladii foosha xumaa ee ay u maleegeen kooxaha sharka iyo argagaxisada qaawan,kuwaasi oo damacsanaa in ay dhidibbada u siibaan jiritaanka Puntland si ay fursad ugu helaan in ay dulaystaan shacbiga,boobaan khayraadkiisa,duugaan taariikhdiisa ugu dambaynna ku dhaqaan qorshe maamul gumaysi quursi dheer.
  10. Waxaannu talo ahaan u soo jeedinaynaa maamulka dawlad gobolleedka Puntland, gaar ahaanna ka codsanaynaa madaxweynaha dawladda Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmad in uu ku dhawaaqo qabashada shirweyne guud oo ay yeelato beesha Kablalax Daarood, kana soo qayb galaan waxgaradka hogaan dhaqameedyada,siyaasiyiinta,aqoonyahannada,jaaliyadaha dibadda,ururada iyo qaybaha bulshada ee kale ee beesha Kablalax Daarood.Shirweynahaasi oo leh ujeeddo  xoojin midnimo,iskaashi dhinac kasta iyo wada tashi ay yeelato beesha Kablalax Daarood,unitedkablalax Networks wuxuu diyaar u yahay qaabilaadda dhammaan wixii kharash ah ee ku bixi kara shirweynaha.

 

Dhammaad.

Ka soo baxay:

Golaha guud ee midnimada iyo iskaashiga beesha Kablalax Daarood.

Unitedkablalax Networks unitedkablalax@yahoo.com

 

FAAFIN: Agoosto 29, 2002 | SOMALITALK.COM | SIXID: Agoosto 31, 2002

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk 

WARARKII AGOOSTO 2002

 


WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA.. 26/8

Shirka Eldoret oo Qabsoomidoona 16ka Sept


Cabdullaahi Yuusuf oo Jooga Garoowe
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Warsaxaafadeed: Beelaha Mareexaan
Prof. Samatar oo Kufashilay Diidmadii Galayr
Degaalo lagu Jabiyey Ciidanka Gumeysiga
Kulan Laguqabadoono London, UK
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
Puntland oo Beenisey Warkii UN-ka
AIDS oo Agoomeeyey 1.1 Million Carruur ah
Waan-waan Nabadeed oo Kasocota PL
Ciyaaraha Xagaaga ee Soomaalida Yurub
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa

Baaq Xabad Joojin, Dagaal Joojin & Nabad


Warsaxaafadeed: Qardho
Iran & Carab kusoo badanaya Jaamacadaha
Ciidamada Jarmalka iyo Ciraaq
Murshid Barud oo Kalaabtay sharaxaadii
SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK  OO U QAXAYA DALKA ENGLAND
Dagaal Ka Dhacay Muqdisho 
"Cambaarayn Afduubkii C/Qaadir" UN
Heshiis Dhexmaray xawaaladaha Somalida Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Shir Lagu Taageerayo ONLF - K/Africa 
Casharadii Saxaabada oo Dib u Bilowday
"Screening Cards loogama baahna Soomaalida Kenya" Waxa yiri Moi
UNHCR oo soo Gabagabaysay bixinta Kaararka Aqoonsiga Qaxiitiga Sanca 
Itoobiya oo Ka Mamnuucday Shilinka Soomaaliga in lagu Isticmaalo Dh/buur
Moi oo Soo gabagabeeyay Safarkiisii Gobolka W/Bari Kenya
10,000,000 Sh.So ayaa La Dhacay, Laba Gabdhoodna waa La Qafaashay Suuqa Dayax
WARARKA SOOMAALIDA - AGOOSTO 6-7
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Wardheere oo Soosaaray Baaq Nabadeed
WARARKA PUNTLAND - AGOOSTO 4
Prof. Samatar oo Diidan in Dr. Galaydh  Waxkadhigo Jaamacada Minnesota
Mashruuca Cisbitaalka Boossaso
Xasan Abshir oo Ka Dhoofay Muqdisho
Dalsan USA oo Jebisey Khidmada Lacagta
Gudiga Farsamada oo Tegey Kismaayo
Ciidanka ShaatiGuduud oo si Buuxda ula Wareegey Magaalada Baydhabo
Sucaad oo Sabtida Bosaso Lookaxayndoono
Ururka Dhallinyarada Ogadeenya oo Jawaab Kulul Kabixiyey Baqii Waxgaradka S.G...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD