| 
 
 
					 C/Risaaq 
					Xaaji Xuseen oo ka Jawaabey Hadalkii Geeddi... Waxaa SomaliTalk.com u suurta 
					gashay in ay (Nov 27, 2005) gurigiisa ku booqdaan ra'iisul 
					wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane C/Risaaq Xaaji Xuseen, 
					si aan waraysi ugala yeelano hadal uu dhowaan yiri ra'iisul 
					wasaaraha hadda ee Soomaaliya mudane Prof. Cali Maxamed 
					Geeddi uu 11/11/2005 ka sheegay idaacad, waxaan jawaabtii C/risaaq 
					Xaaji Xuseen ka mid ahaa.... 
					
					Guji....
 
  DHEGEYSO 
					COD GOOGOOS AH::: FoolJeex, Qabridahare iyo Geeddii... 
  Waraysigii 
Radio Xorriyo: Nin Goob Joog  ahaa Xasuuqii Qabridaharre 
  GABAY 
KU SOCDA CALI MAXAMED GEEDDI... (Siciid Xaaji Axmed)
 
 GEEDDI IYO GEF-TAARIIKHEEDKIISA::: 
		»Ogaadeenya 
		oo Tubtii Xoriyadda Cagta saartay 
		| maax»Maansada 
		"GARBADUUB": Gabay ku socda Geeddi II
 »Maansada 
		"GARBADUUB": Gabay ku socda Cali Geeddi II | M.A.C/lla
 »DABARKA 
		IYO HOGAANKA AYAA U GO’AY KUWII SL KA HOR JEEDAY
 »LA 
		MOOD CIYAAR GOROYO | A. M. Yusuf
 »C/risaaq Xaaji 
		Xuseen iyo Max'ud Sifiri waa Siyaasiyiin jecel midnimada
 »FOOLJEEXEY 
			SIDEE TAHAY | Maax
 »Shirar 
			lagaga hadlayay xasuuqii oo ka dhacay Minesota iyo Finland
 »Gubida 
			Tuuladda Fool Jeex ee Gobalka Qoraxeey
 »CODAD 
			GOOGOOS AH::: GEFKII DR. GEEDDI  - DHEGEYSO
 »Golaha 
			Midnimada iyo Badbaadada ka soo horjeestey hadalkii Geeddi
 »Baaq:  
			kalsooni kala noqosho Xukuumada Madax-weyne C/lahi Yusuf
 »GABAY: DACWO- Gabay ku socda C/Lahi 
			Yusuf | Dhagaafe
 »Geeddi 
ma dhegaystey wixii ka dhacay deegaanka Fooljeex ee Qorraxey»ADIGU XABASHIGA MAXAAD 
DHAANTAA? | Proff. Wacdaan
 »Meded: 
Saarkii nacaybkow soo deg | Cige
 »GEEDIYOW 
LAGU MOOD NOQONSE WEYDAY | Axmed
 »Somalidu 
ma heshiin kartaa ?? | Ducaale
 »MARKII 
CADAWGU INOO TALIYAY! | Khaliil
 »Ma 
La Soo Gaadhay Xilligii Maamulka Hargeysa Runta Isu sheegi Lahaa?. | Asad
 »Fadqalalladu ma samaan baa? 
| Axmed Iid
 »XUSUUSIN: XIRIIRKA TAARIIKHEED EE SOOMAALIYA iyo XABASHA
 »Waan 
baahanahay Baqtiga looma Cuno  | 
Mutafa
 »FAHAD 
YAASIIN TALO IGA HOO | Jama Abdilahi 
Suleiman
 »Geeddi: 
Haddii Somaliland Go’do waxba kama Qabno..| C/waaxid
 »Tiisa 
daryeela tu kale ku dara!  | Ikraam
 »Jawaabihii Prof. 
Geedi dad bay jinni waalan ku rideen !! | Ducaale
 »Warqad 
			furan kuna socota M/weyne C/llahi & Ra'iisal Wasaare Geedi
			| C/lahi
 »CAR 
			WAA NINKA AASSA MEYDKA (QABRIDAHARE) | Hereri
 »QABRIDAHAR 
			: MAGAALO LABA CADOW LEH, KEEBAY LA DARISTAA
 »Jawaabta 
			ninka sida sawiradda habla dhabanka u haysta Fahad Yaasiin
 »GEEDIYOOW 
			SOOMAALI GEFBAAD KA GASHAY  | Hereri
 »Fahadow: 
Geeddi ma Zenaawi baa Eryi Kara Mise Cabdillaahi Yuusuf? | Cabdi
 »Maxammed 
	Ibraahin: Geedi in lagaga Mudaharaado Belgium
 »Madaxweynuhu 
	Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa | C/Waaxid
 »Jufada 
	Jawhar Markay Jaahwareenaan Maxay Itobiya ugu Cararaan
 »Madaxweyne C/Laahi  Xilka Ka Qaado 
	Cali Max'ed Geedi  fahad
 
 WARAR::: Dec 6, 2005: Cali Maxamed Geedi waxa uu 
kusoo laabtay Jawhar kadib markii uu safar ku tegey Maali caasimadiisa Bamako 
halkaas oo kaga qayb galay shir Afrika. Waxana uu safarkaas maray Nairobi iyo 
Jabuuti. Nov 30, 2005:  Ra'iisul wasaaraha 
DFKMG, Geedi, ayaa ka dhoofay Jawhar... [Eeg halkan...] Nov 29, 
2005: Waxaa magaalada jawhar heshiis ku kala saxiixday Itoobiya iyo 
Soomaaliya, heshiiskaasi wuxuu dhigayaa in Dowladda Itoobiya ay istimcaali karto 
Dekedaha Boosaaso, Muqdisho iyo Kismaayo... 
[Eeg halkan...] Nov 27, 2005: Cali Maxamed Geeddi ayaa 
ku soo laabtay magaalada Jawhar, Soomaaliya. Intii uu dalka ka maqnaa waxa uu la 
soo kulmay Ra'iisul wasaaraha daalka Itoobiya. Warbaahinta looma sheegin in 
Geedi uu Zenawi kala hadlay xasuuqii Qabridarre iyo tuulada Fooljeex ee ay 
gubeen ciidamada Itoobiya, maadaama uu Geedi hore u sheegay in haddii dadka 
Soomaaliyeed (ee sida uu sheegay aan gumeysiga ku jirin ee ku hoos nool Itobiya 
iyo Kenya) in haddii la dhibaateyo uu dawladahaas (Kenya & Itoobiya) kala hadli 
doono. [Eeg halkan...] Nov 23, 2005: Ra'iisul wasaaraha DFKMG, 
Geedi, ayaa Nairobi waxa uu kaga qayb galay shir loogu magac daray JNA.. [Eeg 
halkan...] Nov 23, 2005:  Madaxweyne ku 
xigeenka DGPL, Xasan Daahir Afqurac, oo u waramayey idaacad ka soo hadasha 
Australia, isagoo ka jawaabayey hadalkii Geedi, waxa uu yiri: Prime Minister-ku 
(Ra'iisul wasaarahu) wuu khaldanaa,
Charterka 
(Dastuurka) Federaalka Soomaaliya qodobada ku qoran waxaa ka mid ah in midnimada 
Soomaaliya ay muqaddas tahay, Siyaasada Dawlada Federaalkuna waxay ku 
shaqayneysaa midnimada iyo isu keenida dawladii Burburtay, marka laba siyaabood 
ayuu u khaldamay Ra'iisul wasaaruhu, mid waxaa weeye Charterkii uu ku 
shaqaynayey wixii ku qoraa wuu khilaafay, tan labaadna waxaa weeye siyaasadii 
dawladiisa Federaalku ay ku soconeysey wuu khilaafay, Arrintaasi waxay u taalaa 
dawlada Federaalka, gaar ahaan Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, xaggayaga 
baarlamaankayaga ayey  hadda hor taala waana ka tashanayaan. Marka Arrin 
khaldan ayey ahayd si khaldan ayey uga baxsadatay, taasna meeshii ku shaqada leh 
ayaa kula xisaabtameysa. [Dhegeyso 
halkan...] Nov 22, 2005: Baarlamaanka Dawlad 
Goboleedka Puntland oo u codeeyey in laga jawaabo hadalkii Geedi. Codaynta ayaa 
ka dhacday magaalada Garoowe, kaddib markii arrintaas laga dooday ayaa xubinihii 
baarlamaanka Puntland badankoodu (Aqlabiyad) u codeeyey in jawaab lag abixiyo 
hadalkii Cali Maxamed Geedi, Ra'iisul wasaaraha Dawlada Soomaalida loogu soo 
dhisay Kenya. Baarlamaanka Puntland shaaca kama qaadin waqtiga jawaab sugan laga 
bixinayo hadalka Geedi. Nov 21, 2005: Ciidamada Itoobiya ayaa 
dab qabadsiiyey tuulada Fooljeex oo u dhow magaalada Qabridaharre. Ciidamada 
Itoobiya waxa ay dab qabad siiyeen ugu yaraan 40 guri. [Eeg 
halkan] | [Dhegeyso 
sida loo gubey tuulada Fooljeex] Nov 21, 2005: Cali maxamed Geedi ayaa 
soo gaarey Nairobi, kaddib markii uu soo maray magalada Addis Ababa ee dalka 
Itoobiya, safarkiisii talyaaniga iyo Belgium ka dib. Nov 19, 2005: Madaxweynaha DFKMG ee 
Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa 
ka dalbaday maamulka Puntland in aysan 
Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi... [Eeg 
halkan] Nov 19, 2005: Xubnaha labada gole ee ku 
sugan magaalada Muqdisho ayaa Hotel Saxafi ku yeeshay kulan lagu soo dhisay 
guddi ay kamid yihiin Xildhibaanada kala ah Shariif Saalax, Avv. Xasan Dhimbil, 
Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni-boqor) & C/fataax Rashiid kaddib markii kulankaas 
laga akhriyey warqad lag asoo daabacay SomaliTalk oo ah tii uu Fahad Yaasiin u 
diray Madaxweynaha DFKMG, warqadaas oo kaga ilmaysiisay qaar kamid ah 
xildhibaanada... [Eeg halkan] Nov 18, 2005: Cali Maxamed Geeddi ayaa 
gaarey dalka Talyaaniga, isagoo kasoo kicitimay Belgium. Markii uu gaarey 
magaalada Roma waxa uu dad la kulmay u sheegay in wax iska bedeleen socdaalkii u 
qorshaysnaa ee ahaa in uu Talyaaniga booqasho ku joogi lahaa dhawr maalmood, 
laakiin uu war degdeg ah ka helay Jawhar ah in uu dhaqso ugu laabto, sida uu 
sheegay si uu uga qayb galo dib u heshiisiinta ay xubnaha ku sugan Muqdisho ku 
imanayaan magaalada Jawhar. Nov 18, 2005: Cali Maxamed Geedi oo jooga 
Belgium ayaa yiri: “Dowladdii Cabdiqaasim haddaanan been isu sheegeyn waxaa 
dumiyey Ethiopia, mana ahan inaan annagu maanta isku dirno Ethiopia ee waa inaan 
xiriir dhow la sameysanaa. Nin wadaad ah ayaa la weydiiyey Fandhicil ma xalaal 
baa, mise waa xaaraan, wuxuu ku jawaabay sheegsheeggiisa ayaaba laga roon yahay.” 
[Eeg halkan] Nov 16, 2005: Cali M. Geedi oo gaarey Belgium 
oo su'aal laga weydiiyey kala hadalka isaga iyo madaxweynaha ayaa yiri: Horta 
qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka 
dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda 
arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi 
baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. 
Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. 
[Eeg halkan] Nov 16, 2005: 
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay 
hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. 
waxana uu yiri 
“Ma aheyn in Ra’isul Wasaaruhu dhex galo arimo noocaas oo kale ah 
oo ah mid u hiilinaya in Soomaaliya la googooyo” ayuu yiri Madaxweyne ku 
xigeenka oo sheegay in la doonayo in ra’isul Wasaaruhu u raagelin ka bixiyo 
hadalkaasi oo ah mid u keeni kara Dowladda Federaalka ah sumcad xumo. [Eeg 
halkan]. Nov 16, 2005: Wafti 
ka socdey dawladda Itoobiya oo maalmahaas joogey magaalada Jawhar ayaa 
heshiisyo 
kala saxiixday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Heshiiskaan ayaa waxaa la sheegay 
in uu faa’iido ugu fadhiyo Dowladda Dowladda Itoobiya oo iyadu dooneysa in ay 
isticmaasho qaar ka mid ah Dekedaha Soomaaliya. Nov 
15, 
2005: Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame ayaa soo hor dhigay Golaha Baarlamaanka 
(muqdisho) Mooshin uu ku leeyahay in Ra’isul Wasaare Geedi uu ku xadgudbay 
axdigii Qaranka isla markaana uu galay khiyaano Qaran - 
isagoo hadalka Ra’isul Wasaaraha ku tilmaamay mid ah khiyaano Qaran oo uu ka 
galay bulshada Soomaaliyeed. [Eeg halkan..] Nov 15, 2005: Waxaa 
magaalada Qabridaharre ee dhulka Soomaalida xogga looga haysto lagu xasuuqay 
maxaabiis ku xirnaa magaaladaas iyo dad rayid ah. [Eeg 
halkan].. ama [HALKAN KA 
DHEGEYSO FOCUS ON 
AFRICA...] Nov 15, 2005: Waftigii uu hoggaaminayey 
Cali Maxamed Geedi ayaa gaarey dalka Talyaaniga, iyagoo uga sii ambabixi doona 
Belgium 
[Eeg halkan] Nov 13, 
2005:  
Ra’isul Wasaare 
Cali Max’ed Geedi ayaa  ka ambabaxay Garoonka Diyaara-daha ee Jowhar, waxan uu u 
duulay Addis Ababa si uu ula sii kulmo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Miless 
Zinawi, intii aan Geedi usii ambabixin dalka Belgium. 
[Eeg 
halkan..] NOV 11, 2005: Cali Maxamed Geedi ayaa yiri "Dadka 
iyo Dalalka Soomaaliyeed waxay maqnaan jireen waagii gobanimo doonka, laakiin 
sidii gobannida dalku u qaatay, dalalka deriska iyaguna gobanimo ayey qaateen.... 
Dadkaasi waxay ka mid yihiin dawladaha deriskeena, gumeysina kuma hoos jiraan..." 
[HALKAN 
					KA DHEGEYSO] 
  
						
						 
 
						
						 |