SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MINNESOTA
Col. C/lahi Yusuf oo sheegtay inuu kala fur-furay koox Al-qacida ah

Sida eey sheegtay jariidada Al-sharq-al-awsat  ee fadhigeedu yahay magaalada london, kuna soo baxda afka carabiga, col.c/lahi yusuf oo ah madaxweynayaasha Puntland ayaa maanta [28-08-2002] si kadis ah ugu dhawaaqay inuu kala daadiyey kalana furfuray shabakad uu ku sheegay ineey Al-qacida ka tirsan yihiin oo ku kulansanaa gobolka uu ka taliyo waqooyi bari soomaaliya.

Arabic Version asharqalawsat.

mid ka mid ah kalkaaliyayaasha korneeylka ayaa warsaxaafadeed sharq-al-awsat soo gaaray ku sheegay in kooxdan oo " reer al-qacida ah eey doonayeen ineey ku shiraan guriga madaxa kooxdan oo u shaqeeya shirkada Al-barakat ee teleefonada" inkastoo uusan magacaabin ninkan madaxda ah .

wax tafaasiil ah kama uusan bixin raggan & kooxdoodaba warkan saxaafadeedkan, sidoo kale lama oga qaabka & nooca eedeynta loo soo jeedin doono raggan, laakiin sida wargeysku sheegay ilo kale oo soomaali ah ayaa odorasaya in korneeylku uu ogolaan doono in xubno ka tirsan xafiiska dhexe ee danbi baarista mareykanka (FBI)da & wakaalada sirdoonka mareykanka (CIA)duba eey ka qeyb qaataan baaritaanka raggan la sheegay ineey xiriir istiraatiiji ah la leeyihiin ururka Al-qacida.

Korneeylka ayaa ku gacan seyray isku day eey jariidadu ku dooneysay ineey arrintan su'aalo ka weydiiso wuxuuna ku andocooday " ineey tahay tallaaba dheeri in hadda laga hadlo mowduucan" ha yeeshee sida wargeysku sheegay ilo kale oo soomali ah oo dhex-dhexaad ah ayaa sheegay in korneyl C/lahi Yusuf caadeystay xir-xirid dad aan waxba galabsan, kadibna ku tuhmid ineey Al-qacida ka tirsan yihiin " si uu u helo taageerada mareykanka & jeceylkooda eey u hayaan cid alla iyo cidii la dagaalanta waxa mareykanku argagixisada u yaqaanaan" wexeeyna ilahaas dhexdhexaadka ah sii raaciyeen in korneylka eey ka go'an tahay inuu dowladda mareykanka u sugo inuu daneheeda u adeegayo isagoo taa usii maraya inuu dad aan danbi & xiriir argagixiseedba laheyn iska tuhmo oo misana xabsigana u taxaabo.

"Awoodda iyo kalsoonida shacbiga reer Puntland oo burburiyey shirqoolladii Kooxaha sharka iyo argagaxisada qaawan." Unitedkablalax Networks
Soomaali  lagasaaray liiska Argagixisada
Dawladda Maraykanka ayaa ka codsatay in United Nationska ka saarto liiska argagixisada Garaad Jamac oo degan Minneapolis, Minnesota ka dib
.. GUJI. Wardheere

horey ayeey dowladda mareykanku u sheegtay in qeybo ka mid ah somalia gaar ahaan woqooyi bari eey argagixiso ku nooshahay, walow eey eedeymahaasi isa soo tari waayeen.

C/raxman Ceynte

MPLS, MN

ceynteyare@hotmail.com 

Arabaic Version - Asharqalawsat 

 

 

FAAFIN: Agoosto 30, 2002 | SOMALITALK.COM

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

 

WARARKII AGOOSTO 2002

 


WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
Nin Soomaaliyeed oo u Baahan in Degdeg Kelyaha Looga Bedelo

AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02
 

Shirka Eldoret oo Qabsoomidoona 16ka Sept


Cabdullaahi Yuusuf oo Jooga Garoowe
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Warsaxaafadeed: Beelaha Mareexaan
Prof. Samatar oo Kufashilay Diidmadii Galayr
Degaalo lagu Jabiyey Ciidanka Gumeysiga
Kulan Laguqabadoono London, UK
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
Puntland oo Beenisey Warkii UN-ka
AIDS oo Agoomeeyey 1.1 Million Carruur ah
Waan-waan Nabadeed oo Kasocota PL
Ciyaaraha Xagaaga ee Soomaalida Yurub
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa

Baaq Xabad Joojin, Dagaal Joojin & Nabad


Warsaxaafadeed: Qardho
Iran & Carab kusoo badanaya Jaamacadaha
Ciidamada Jarmalka iyo Ciraaq
Murshid Barud oo Kalaabtay sharaxaadii
SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK  OO U QAXAYA DALKA ENGLAND
Dagaal Ka Dhacay Muqdisho 
"Cambaarayn Afduubkii C/Qaadir" UN
Heshiis Dhexmaray xawaaladaha Somalida Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Shir Lagu Taageerayo ONLF - K/Africa 
Casharadii Saxaabada oo Dib u Bilowday
"Screening Cards loogama baahna Soomaalida Kenya" Waxa yiri Moi
UNHCR oo soo Gabagabaysay bixinta Kaararka Aqoonsiga Qaxiitiga Sanca 
Itoobiya oo Ka Mamnuucday Shilinka Soomaaliga in lagu Isticmaalo Dh/buur
Moi oo Soo gabagabeeyay Safarkiisii Gobolka W/Bari Kenya
10,000,000 Sh.So ayaa La Dhacay, Laba Gabdhoodna waa La Qafaashay Suuqa Dayax
WARARKA SOOMAALIDA - AGOOSTO 6-7
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Wardheere oo Soosaaray Baaq Nabadeed
WARARKA PUNTLAND - AGOOSTO 4
Prof. Samatar oo Diidan in Dr. Galaydh  Waxkadhigo Jaamacada Minnesota
Mashruuca Cisbitaalka Boossaso
Xasan Abshir oo Ka Dhoofay Muqdisho
Dalsan USA oo Jebisey Khidmada Lacagta
Gudiga Farsamada oo Tegey Kismaayo
Ciidanka ShaatiGuduud oo si Buuxda ula Wareegey Magaalada Baydhabo
Sucaad oo Sabtida Bosaso Lookaxayndoono
Ururka Dhallinyarada Ogadeenya oo Jawaab Kulul Kabixiyey Baqii Waxgaradka S.G...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD